Ciyaaro:-Kooxda Rer England Ee Liverpool Oo Ciyaarta Finalka Horyaalka Yurub U Soo Baxay

0
Thursday May 03, 2018 - 10:18:47 in by salman abdi
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaro:-Kooxda Rer England Ee Liverpool Oo Ciyaarta Finalka Horyaalka Yurub U Soo Baxay

    Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u gudubtay ciyaarta finalka Champions League kaddib markii ay Roma ku kala baxeen 4-2 is aragii labaad ee Semi-finalka, taas oo celcelis ahaan natiijada ka dhigtay 6 – 7.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u gudubtay ciyaarta finalka Champions League kaddib markii ay Roma ku kala baxeen 4-2 is aragii labaad ee Semi-finalka, taas oo celcelis ahaan natiijada ka dhigtay 6 – 7.



Liverpool ayaa ciyaartii hore oo marti loogu ahaa garoonkeeda Anfeild, ku soo badisay 5-2, waxaanay Stadio Olimpico ee magaalada Rome u soo safartay iyadoo inta badan rajaynaysa guusha ciyaarta is araga labaad, Waxaanay rajadaasi sii xoogaysatay markii daqiiqadii 9 aad ee ciyaarta, Sadio Mane uu shabaqa ku shubay goolkii furitaanka.

Laakiin, lix daqiiqo oo kaliya kadib, ciyaaryahanka Liverpool ee James Milner ayaa isla shabaqiisa ku shubay goolkii barbar dhaca ku soo celiyey kulanka.

Daqiiqadii 25 aad ayay Liverpool mar kale hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana goolkii labaad u saxeexay Georginio Wijnaldum, qaybtii horena waxaa lagu kala nastay 1-2 ay kooxda Klopp hogaanka ku hayso.

Bilowga qaybtii labaad, kubad uu gool hayaha qabad siiyey Stephan El Shaarawy ayaa u gacan gashay Edin Dzeko oo isna si fudud shabaqa ugu ruxay, waxaanay ciyaartu noqotay 2-2 barbaro ah.

Kooxda Roma ayaa ahayd tan awooda badan, waxaana la waayay ciyaaryahan Saalax iyo xidigihii Liverpool ee wacdaraha laga sugayay, waxaanay u muuqatay koox guusha ku sugaysa difaac, laakiin weeraryahanada naadiga Talyaaniga ah ayaa iska khasaariyey fursado badan.

Ugu dambeyn Roma ayaa heshay laba goo loo daran doori ah, kuwaas oo naxdin ku abuuray Liverpool, hoosna u dhigay rajadii cirka maraysay ee kooxda reer Ingiriis.

Kubad darbad culus ahayd oo uu birta ku soo dhuftay shabaqana ku noqotay oo uu saxeexay Radja Nainggolan ayuu mar kale daqiiqado kabib isla Nainggolan rigoodhe la dhigay ku hubsaday shabaqa oo uu ciyaarta ka dhigay 4-2 guul ah, balse aan waxba ugu filayn.