Madaxda cusub solja waxa la gudboon inay dhisaan wariyayaasha Somaliland Inkastoo wariyayaasha Somaliland muujiyaan dedaal iyo aqoontooda wariyenimo mudadii 23 sanadood ee ay Somaliland jirtay
marka laga soo bilaabo wargeysadii ku soo bixi waraaqaha A4 la odhan jiray marka loo eego xaaladaha adduunka saxaafada Somaliland waxay mudantahay in la amaano laguna bogaadiyo dadaalka dhabar adayga ah ee ay ku shaqeeyaan baahiyaha qaar waxay la qabaan xaalada wadanka qaarna waa kuwa u baahan in ka saxaafad ahaan la saxo Dhawaan waxa la filayaa in shirweynihii ururku suxufiyiinta Somaliland ee solja la qabto waan ka xumahay in khilaaf xoogaan soo kala dhexgalo laakiin waxa amaan mudan xubnaha mudarka ah ee xalkeeda keenaya xalna ka gaadhay khilaafkaasi Saxaafada Somaliland waxay u badantahay dhalinyaro tiro badan kuwaas oo niyad fiican u haya saxaafada una baahan in lagacan qabto badankooda waxay soo galeen wixii ka danbeeyey 2008.
waxa xusid mudan in dhalinyaro tiro badan horumar ay ka gaadheen saxaafadda qaarkoodna goobo warbaahineed oo waaweyn yeesheen .sida wargeysada ugu caansan Geeska Afrika, Maxamed Rambo
oo isagu mulkiilaha wargeyskaas ah. Iyaguna waxa jiraa qaar Tifaftirayaasha Wargeysada Jamhuuriya, Maxamuud Cirro, Saxansaxo, Saleebaan Ibraahim Xaashi, Somalilandtoday, Cabdiqaadir Aaden Carab, Ogaal, Cabdifataax Caarshe.
Dhinaca kale, tv-yada badan oo Somaliland ka soo shaqeeyaa ayey maamulaan, waxa iyana jirta websiyo tiro badan oo dhalinyaro badani samaystay.waxaan iyana la iloobi karayn sida idaacada voa dhalinyarada jaanis u siisay qaarkoodna u tageen dalka maraynka iyana waa lama huraan in la xuso mar laga yimaado kuwa hormarka gaadhay waxa jira qaar badan oo kale oo baahan in wax lala qabto oo la dhiso Maxay dhalinyaradaasi u baahanyihiin a)in tobabaro loo sameeyo mid gudeed mid dibadeed si waayo aragnimada iyo aqoontoodu u dhisanto b_in qalabka wixii awood ah loo doono si xirfadooda u noqoto mid hormarka dunida la jaanqaadaysa c)in xuquuqdooda shaqo loo ilaaliyo lagana war hayo xaaladooda sida kuwa dunida sadexaad iyo kuwa hormaray solja iyo madaxdeeda cusub waxa la gudboon in maanka ay ku hayaan in hawlahaasi u yaalaan iyo kuwa kale.
sxbadayda ku tartarmayaa kuraasta solja maanka hakuu hayaan in dhigooda dalalka jaarku hormar balaadhan gaadhsiyaan wariyayaashooda macno badan samaynmayso in waa la ii doortay laakiin sxbayaal ku dadaala in isbadal horleh ku samaynayaa boqolaal wariye oo idinka sugaya inkastoo intii dadaalkooda ay sameeyeen madaxdi hore solja soo martay hadana ma jirto qorshe cad iyo barnaamjiyo horleh oo wariyayaasha somaliland loo sameeyey walina maan arag barnaamijyo dhiirigalinaya wariyayaasha oo la yimaadeen cidkasta oo solja soo martay maalmahan waxaana arkayey rag badan oo u tartarmaya in solja ay hogaaminayaan bilaa caleek waxaan idiin leeyahay la yimaada qorshe aad wax kaga qabanaysaa xaalad wariyayaasha somaliland oo aan kamid ahay waan ka xumahay wali kamaan qaybgalin shirweyn solja leeyahay marka laga reebo inaan booqday mooyaane sababta ugu weyn ee aan u tagi waayey waxa weeyaan in solja ay la timaado ajande cad oo wariyayaasha wax loogu qabanyo
Xamse Cali Bulbul
Hargeysa Somaliland
xamsebulbul@gmail.com
Wariye Xamse Cali Bulbul Oo Farriin Dardaaran ah U Diray SOLJA
Madaxda cusub solja waxa la gudboon inay dhisaan wariyayaasha Somaliland Inkastoo wariyayaasha Somaliland muujiyaan dedaal iyo aqoontooda wariyenimo mudadii 23 sanadood ee ay Somaliland jirtay