Hargaysa:Xukuumada Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Ingiriisku Saldhig Milateri Ka Samaysanayo Somaliland.

0
Saturday January 12, 2019 - 14:15:26 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Xukuumada Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Ingiriisku Saldhig Milateri Ka Samaysanayo Somaliland.

    Xukuumada Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Ingiriisku Saldhig Milateri Ka Samaysanayo Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Ingiriisku Saldhig Milateri Ka Samaysanayo Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo Geeska Afrika waraysi siiyay ayaa beeniyay inay dawladda Ingiriisku Somaliland weydiisatay saldhig milatari. Wasiir Faratoon oo ugu horayn ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto Somaliland, ayaa yidhi "Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.”

Wasiir Fartoon oo la waydiiyay in ingiriisku Somaliland usoo magacaabay safiir ayaa yidhi "Wax Safiira oo la inoo soo magacaabay oo aanu ognahay ma jiro, gabadhii inala shaqeeynaysay, ayaa la bedelay, oo qof kale ayaa lagu soo bedelay, awalna si fiican buu Ingiriisku inoola shaqeeynayey, waxaana ku rajo weynahay inuu xidhiidhkeena iyo wada shaqaynteenu inay sii socoto, oo ay intaas ka sii balaadhato”.