Man United Oo U Muuqata Mid Heshiis Cusub La Gaadhay Marcus Rashford, Real Madrid & Barcelona Oo Quus Taagan & Xogta Heshiiska Uu Saxeexi Doono.

0
Saturday March 30, 2019 - 17:14:03 in by
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo U Muuqata Mid Heshiis Cusub La Gaadhay Marcus Rashford, Real Madrid & Barcelona Oo Quus Taagan & Xogta Heshiiska Uu Saxeexi Doono.

    Man United Oo U Muuqata Mid Heshiis Cusub La Gaadhay Marcus Rashford, Real Madrid & Barcelona Oo Quus Taagan & Xogta Heshiiska Uu Saxeexi Doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Man United Oo U Muuqata Mid Heshiis Cusub La Gaadhay Marcus Rashford, Real Madrid & Barcelona Oo Quus Taagan & Xogta Heshiiska Uu Saxeexi Doono.

Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaysa sidii ay da’yarkeeda Marcus Rashford uga ceshan lahayd kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub gaar ahaan Barcelona iyo Real Madrid..

Rashford ayaa xilli ciyaareedkan muujinaya qaan gaadhnimo dhinaca xirfadiisa ah gaar ahaan tan iyo magacaabistii tababare Ole Solskjaer kaas oo in ka badan tababarayaashii hore ku aaminay safka koowaad ee kooxda.

Heshiiska uu haatan ku joogo 21 jirkani magaalada Manchester ayaa ah mid ku eeg sanadka dambe ee 2020 waxaana uu mushahar ahaan haatan kooxda uga qaataa 45000 toddobaadkii.

Haddaba, Sida haatan laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Red Devils ayaan waxba ka qabin inay jeebka gacanta si weyn u galiyaan si ay usii xejistaan Rashford waxaana ay doonayaan inay ka saxeexdaan heshiis cusub oo uu toddobaadkii ku heli doono £150,000 oo ah in ka badan saddex laabka mushaharkiisa haatan.

Wararka ayaa sheegaya in Rashford uu diyaar u yahay inuu aqbalo heshiiskaas cusub iyadoo sababta ugu weyn ee go’aankiisa saamaynaysa loo aaminsan yahay heshiiska rasmiga ah ee ay kooxdu ku abaalmarisay tababare Solskjaer oo markii hore kumeel gaadh ahaa.

Heshiis cusub oo uu saxeexo Marcus ayaa daaqada ka saaraya Barca iyo Madrid oo ahaa labada kooxood ee ugu cad cadaa ee uu ku biiri karayay xiddigani.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska Daily Mail oo ah midka xogtan laga soo dhambalay ayaa intaas ku daraya in heshiiska cusub ee Rashford kusii joogayo Old Trafford oo ah mid shan sano ah ay macquul tahay in sida ugu dhakhsaha badan loo saxeexo.