Claude Makelele Oo Ku Hanjabay In Cusbitaalka U Diri Doono Xiddig Barcelona Ah, Waqtigii Dhacdada Iyo Jawaabtii La Siiyey

0
Saturday March 30, 2019 - 18:14:52 in by salman abdi
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Claude Makelele Oo Ku Hanjabay In Cusbitaalka U Diri Doono Xiddig Barcelona Ah, Waqtigii Dhacdada Iyo Jawaabtii La Siiyey

    Claude Makelele Oo Ku Hanjabay In Cusbitaalka U Diri Doono Xiddig Barcelona Ah, Waqtigii Dhacdada Iyo Jawaabtii La Siiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Claude Makelele Oo Ku Hanjabay In Cusbitaalka U Diri Doono Xiddig Barcelona Ah, Waqtigii Dhacdada Iyo Jawaabtii La Siiyey
 

Halyeygii kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ee Claude Makelele ayaa ku hanjabay inuu cusbitaalka u diri doono mid ka mid ah xiddigaha taariikhda weyn ku leh Barcelona.

Makelele oo tiir adag ka ahaa Chelsea xilliyadii ay dib usoo gashay saaxadda, ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah boqorradii khadka dhexe ee kubbad-dilista caalamka, waana booska hadda lagu amaano N’Golo Kante.

Sannadihii u dhexeeyey 2005 illaa 2007, Chelsea iyo Barcelona ayaa lix jeer ku kulmay tartanka Champions League, waxaanay wadaageen xusuuso waaweyn oo inta badan libinta u xaglinayey dhinaca kooxda reer Spain.

Kulamadaas lixda ah, halyeyga reer France ee Makalele waxay si fool-ka-fool ah iskaga hor yimaaddeen Ronaldinho oo ahaa hoggaamiyaha Barcelona, sidoo kalena ahaa xiddigga caalamka ugu fiican loo doortay sannadihii 2004 iyo 2005.

Xiddiga reer Brazil ee Ronaldinho ayaa si bahdilaad ah u masixi jiray ciyaaryahannada, waxaana uu kusoo bandhigi jiray garoomada xirfad la mid ah ciyaar-gacmeedka ‘PlayStation’, laakiin taas waxa dhimasho ka xigay Makalele oo inta uu ugu tegay garoonka dhexdiisa ku wargeliyey in cusbitaalka la dhigi doono haddii uu isku dayo inuu hortiisa ka sameeyo.

Makalele oo u warramay warbaahinta RMC Sports, ayaa waxa uu ka sheekeeyey qisooyinkii dhex maray Ronaldinho, waxaanu yidhi: "Marbaa jirtay aan u tegay ciyaarta dhexdeeda Ronaldinho. Waxaan ku idhi ‘waxaan door-bidi lahaa inaad si habboon xarfaddaada u ciyaarto markaad iga hor imanayso, sababtoo ah, haddii aad la timaaddo xirfaddaada PlayStation-ka ah, waxaan kuu diri doonaa cusbitaalka.”

Claude Makelele waxa uu intaa kaddib tilmaamay jawaabtii uu Ronaldinho siiyey, waxaanu yidhi: "Ma garanaysaa waxa uu sameeyey? Wuu i raalligeliyey oo cafis ayuu i weydiistay.”

Makelele ayaa waxa uu u ciyaaray Chelsea lix sannadood isagoo uga soo wareegay Real Madrid, waxaanu kula guuleystay laba jeer horyaalka Premier League, hal FA Cup iyo laba League Cup ka hor intii aanu sannadkii 2008 uga dhaqaaqin dhinaca PSG.