Facebook Khasaarihiisa iyo Faa'dooyiinkiisa Wax Ka Baro.....

0
Monday October 20, 2014 - 18:33:20 in by Holland Office
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Facebook Khasaarihiisa iyo Faa'dooyiinkiisa Wax Ka Baro.....

    wakhti kastaa waxa uu leeyahay waayihiisa, misana waxa uu wataa wax cusub oo aan hore loo aqoon, waxay ahayd in yar ka hor soo ifbixii iyo caan noqoshadii facebook kaas oo ah meelo bulshadu ku xidhiidho oo ay iska xaal waraystaan kana mid ah waxaayba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wakhti kastaa waxa uu leeyahay waayihiisa, misana waxa uu wataa wax cusub oo aan hore loo aqoon, waxay ahayd in yar ka hor soo ifbixii iyo caan noqoshadii facebook kaas oo ah meelo bulshadu ku xidhiidho oo ay iska xaal waraystaan kana mid ah waxaaybah loo yaqaan (Social Media), taariikhdu

waxay ahayd 2003 markii arday layidhaa Mark Zuckerberg oodhigta jaamacaa Harvard University ee dalka USA uu ikhtiraacay bogg ay ardayda jaamacadu ku wada hadlaan misana ay sawiradooda soo dhigaan, oo aan dhaafsiisnayn jaamacada gudaheeda, wakhtigaas waxaa kasoo wareegay xiliyo kala duwan oo uu kolba wakhti maraayey misana kolba cusbonaysiin lugu sameeynaaye ilaa uu aakhirkii soo gaadhay halkan uu maanta taagan yahay oo ah in uu soo xareeyo misaaniyad(budget) dhan 1.5 billion.

Hadaba qodobkan dhalinta iyo facebookga waxaa ku falanqayn doonaa faaidada iyo faaido darrada uu leeyahay facebook, kaas oo dhalinyarada somaliyeed si aan ka fiirsi lahayn u isticmaalaan wakhtigoodana ku bixiyaan.

Faaidada:In kasta oo uu yahay xarun isgaadhsiineed oo ka qaybqaata isku xidhnaanta bulsho meelo kaladuwan ku dhaqan, haddana waxa uu leeyahay faaidooyin kale oo ah in qofka doonaya in uu kaga faaidaysto xaga diinta uu kusoo bandhigi karro, waanooyin, axadiis iyo kalmado khayr ah oo dadka wax u tar, dhanka kale ogaansha warka jira iyo warbixino faaido ah ayaad ka heli kartaa goobtan. Faaidadiisu intaas oo qudha kuma koobna ee waxaa jira faaidooyin kale oo baddan oo lagag faaidaysto.

Faaido-darro:Inkasta oo faaido’da facebookga aanay aqoon in baddan oo dhalinyarada kamid ahi, handdan inta dareensa ayaa kuu sheegaya, waxaana kamid ah in shayga ugu muhiimsan nolosha aadamah oo ah wakhtiga in uu lumiyo, misana wakhti baddan uu qaato isticmaalkiisu, tan labaad oo ah in hablihii dhalinyarada ahaa ee qurxoona misana asturnaa in ay isku soo bandhigaan oo sawiro soo dhigaan aan diin ahaan banaanayn, waxa kale oo jira in facebook noqoday xarun beenta inteeda baddan lugu sheego oo marka labada qof isla hadlayaan misna is baranayaan ay ku sheegaan xaafado iyo magaalooyin aanay deganayn, iyo tan ugu dara oo ah in khalaaqdii qofka muslimka ahaa ku daciifto iyada oo dadka qaar soo dhigaan sawiro qaawan oo aan ficinayn diin ahaan.

Talo:dhalinta isticmaasha facebook waxaan kula talin lahaa in ay yarystaan isticmaalkiisan wakhtiga baddan qaadanay misana kaga faaidaystaan wax kale oo ka faaido baddan aakhiro iyo aduunkaba inta ay isticmaalayaana u adeegsadaan dhanka wanaagsan madaama oo internetku yahay mid laba af leh oo ah dhinac wanaagsan iyo mid xun.

Tan labaad oo ah in aynu kaga dayano wiilkaas da’ada yare e wakhtigii dhalinyaro nimadiisa oo ah wakhtiga qofku ugu mashquulka baddanayahay in uu ka faaideeyey misan bulshadiisa wax u qabtay in aynu ku dayano oo la inaga dhex helo qof wax (shay) abuuristiisa iyo ikhtiraaciisa ku dhaqaaqa, msiana hogaan u noqoda dhalinta kale.

 
http://afkashacabka.com/