
Wefti Ka Socda Haayada Aduunka Ee Loo Yaqaan (WHO) Oo Kulamo La Qaadan Doona Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada Xamar
			Wefti Ka Socda Haayada Aduunka Ee Loo Yaqaan (WHO) Oo Kulamo La Qaadan Doona Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada Xamar      
	
		
	
		
	
		
	
		
	
		
		 
		
	
		
	
		
	
		
	
		
	
		
 
 
 
      
    
        
  WAR SAXAAFADEED
	Muqdisho - Soomaaliya
	Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxay manta so dhawaysay Wafdi heer sare ah oo ka socda xafiisyada u sareeya
	Hay’adda Caafimaad ka Aduunka (WHO) si loo sii ambaqaado ajendaha iyo hirgelinta qorshe- hawleedka lagu wajahayo Daryeelka Caafimaad Loodhanyahay ee Soomaliya.
	Wafdigaan ayaa daba socda wafdigii hore ee uu hogaaminayey Agaasime-goboleedka ee Xafiiska Gobolka Bariga iyo Mediterranean (EMRO); Dr. Ahmed Almandhari, oo marti ku ahaa xafladda daahfurka Qorshe-hawleedka lagu wajahayo daryeelka caafimaad loodhanyahay
	ee Soomaaliya. Booqashadan waxay waxbadan ka tari doontaa:
	I. xoojina iskaashiga Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada iyo Hay’adda Caafimaadka Addunka ee ku aadan fulinta qorshe-hawleedka Wasaaradda u samaysay bixinta Daryeelka Caafimaad Loodhanyahay ee Soomaliya.
	II. Kor u qaadida iyo soo jiidashada taageerada caalamiga ee ku wajahan taageeridda Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada fulinta qorshe-hawleedka bixinta Daryeelka Caafimaad Loodhanyahay ee dalka.
	Ujeeddooyinka Booqadashada Wafdiga:
	I. U kuur galid xaaladda iyo fursadaha fulinta caafimaadka loodhanyahay ee dalka laga hirgalinayo. Wasaaraddu iyo Wafdiga waxay si wadajir ah u booqan doonaan gooba adeeg bixinta caafimaadka oo ku kala yaallo magaalooyin kala duwan oo dalka ah.
	Somali Federal Republic
	Ministry of Health & Human Services
	Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada
	جمهـــــوريـة الصـــــــومــال الفيــــــدرالية
	وزارة الصحـــــــــــة ورعـــــــــاية اجملت ــــــــمع
	Follow us on: Website: www.moh.gov.so Facebook: Ministry of Health- Somalia Twitter: MoH_Somalia
	II. Waxay sidoo kale kala qayb qaadan doonaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kulanka wasaaradaha kale iyo laamaha sharci dajinta iyo kuwa fulinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu ololeeyaan dadaalka joogtada
	ah ee siyaasadeed iyo wax qabad ka dhinacyada badan ee ku wajahan gaarista guud ahaan caafimaadka loodhan yahay dalka.
	III. In ay Wasaarada ka caawiyaan samaynta istiraatiijiyado isla markaana ay abaabulaan ilo dhaqaale oo lagu hirgalinayo qorshe-hawleedka tubta caafimaadka loodhan yahay. Hawlaha Booqadashada Wafdiga:
	IV. Munaasabada soo dhoweynta iyo kala warqaadashada kadib, Waxaa xigi doono booqashada qaar kamid ah goobaha bixinta adeegyada caafimaadka iyada oo lala kaashanayo Wasaaradaha Caafimaadka ee xubnaha ka ah Dowaladda Federaalka.
	I. La kulanka laamaha sharci dejinta, fulinta iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada si ay uyeeshaan dood iyo wadahadallo siyaasadeed oo la xariiro adeeg bixinta caafimaadka, iyo joogteynta ballanqaad siyaasadeed ee ku aaddan hirgelinta qorshaha caafimaadka loodhan yahay.
	II. Kulamo falanqayn oo si qoto dheer leh wasaaraduu ugala hadli doonto Wafdiga WHO hirgalinta iyo abaabulidda dhaqaale loogu talagalay qorshe-hawleedka caafimaadka loodhan yahay.
	Wixii faaffaahin dheeraad ah, waxaad kala xiriirtaa:
	Mudane: Mohamed Abdulkadir Hersi
	Madaxa Xiriirinta iyo Warbaahinta
	Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
	Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
	Email: communication@moh.gov.so
	
            




                0            

        
        
        
        
        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
Wefti Ka Socda Haayada Aduunka Ee Loo Yaqaan (WHO) Oo Kulamo La Qaadan Doona Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada Xamar
Wefti Ka Socda Haayada Aduunka Ee Loo Yaqaan (WHO) Oo Kulamo La Qaadan Doona Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada Xamar