Maalgashiga Dadnimada!!!WQ: Mohamed Abdirahman Dhagcad

0
Saturday November 15, 2014 - 17:37:57 in by salman abdi
  • Visits: 1709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalgashiga Dadnimada!!!WQ: Mohamed Abdirahman Dhagcad

    Qormooyin xidhiidh ah oo tababar iyo taageero u ah dadnimada tolmoon iyo dabeeca togan ee bashariyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormooyin xidhiidh ah oo tababar iyo taageero u ah dadnimada tolmoon iyo dabeeca togan ee bashariyadda

قال حبيبنا عليه الصلاة والسلام " إنما بعثت لأتمم مكارم الأخلاق" (صححه الألباني في الصحيحة)

 

Ilaahay baa mahad leh mar walba "SWT” sayidkii dadnimada bashariyadda yaa ku dayasho mudan nabigeenii muxammad "SCW” ,,wuxuu ahaa maalgaliyihii ugu waynaa ee dadnimada wanaagsan ee bashariyadda siduu inoogu cadeeyey xadiiskaa, ilaahaybaa uga markhaati kacay aayadan qur’aanka kariimka

قال تعالى:" وَإِنَّكَ لَعَلَى خُلُقٍ عَظِيمٍ " [القلم:]

Xeerka dahabiga noolasha ,,,dadnimo,dadnimo,danimo!!waan u dibjiraa,doon doonaa diif iyo baahi noolaleed u qabaa, waayo Danimadaadu intay tahay baan/ baad horumarka iyo guusha u dooli karaa/taa”.

Dadnimo maxay tahay?maxay ka koobnaan tahay? Ma abuurbaa mise waa abhin ama kasbasho?maxay tahay ujeedooyinka ku dahsoon dadnimada wanaagsan dabakhaadeeda?

Su aalahani waa kuwa ugu soo deg dega badan markaad daymootid eed ka fikirtid mawduucan noolalaleed ee baahida balaadhan basharku u qabo guud ahaan gaar ahaan mid laxaad leh bulshadeenu ugu sii qabto, kaliya waa dawga u jeexis in daraasado badan lagu sii dhiirado.

Deegaanta noolashiyo

Darantiyo samaantana

Ninka doonayoow taas

Daw loo maraa jiraa!!!!

Umadyahay daryeelkaa……isku duubnidaa…..adigiyo dedaalkaa.” M.I.W "hadrawi.

Ilaahay maankiisa murtida ha u barakeeyee wuxuu miida hal abuurku ka cabirayaa dawga noolasha iyo samaanta haday cidi doonayso inaad ka helaysid is taakulayn is daryeel ,isku duubni wada jir ,tudhaal iyo dedaalada noolaleed,intaniba waa dabeecado kasoo fulaya oo dadnimo tibaaxaya, waayahay,wuxuu yidhi caalim wayn oo culimada islaamka casriga ka mid ah " u fur korkaaga si aad kalgacalkooda u kasbatid,kalaamka u debci si aad jacalyl ugala kulantid,kol walbana isdul dhig ula kaalay si ay kor kuu mariyaan ama sharfaan”,,DR A’ID ABDILAHI AL QARNI.

Waxaan uga socdaa maxay tahay dadnimadu?

Mufakiriinta culuumta nafsiga badankoodu waxay qirayaan oo ay ku kala baydhin inay tahay dadnimadu tahay dabeecado isku dhafan oo kazoo unkama duunka qofka banii aadamka. Nimankanii waa ragii buddhigayaaasha culuumtan waa faylasuufkii hore giriiga ,waaba laboba waa Aristootle iyo Plato” waxay daah faydeen waqtigoodaa ina dadnimada waxa layidhaahdaa tahay debci suuban,dun cadaaladeed,dareen kalgacal,deqqsinimo,saaxiibtimo , aaminnimo iyo ruux sarreysa.

Hadaba duunka ama maanka qofku ama maskaxdaba dheh, waa xarunta ay kasoo unkamaan dabeecadahan dhafan ee isku jira ,si kale hadii loo dhigo waa dabeecadihii iyo duunkii curinaayey dabeecada dadnimada uu muujinayo qofku marka uu la dhaqmayo dadka ku xeeran iyo deegaankaba.

Allah "SWT”deeq badanaha aan la koobin Karin galladihiisa ayaa howlgalladan xubinta maskaxda ufududeeyey” waa feker,fahan,falanqalayn, xasuus,laffoguris,turjumid,iyo kuwo kaloo tiroo beela” ilaahay mahadi haka gaadho,kuwanoo laysu geeyey waxay abuuraan baaxadda iyo baaxaaliga caqliga iyo xikmadeed ee ashqaasta dadka debeda uga soo baxa , tana dabeecadiisii noqota dabadeed,tanaa dadka iyo deeganka uu kula mucaamilaa,tanay dadku ku qiimeeyaan oo ay xaakimiin ay uga yihiin heerka dadnimadiisu qofkaas gaadhsiisan tahay hadba tognaan ama tabnaan,diiranaan ama damsanaan, haa dadnimo abla ablayn hadaynu ku samayno :

1--dadnimada taban:- waa labo nooc "dadnimada tabanee diiran”( adoon dabeecado adag oo muuqanaya leh,oo laga dido , khalguna ka durkaan) iyo "dadnimada tabanee damsan” ( oo ah adoon dadnimadiisu adag tahay laakiin dabeecadihiisu asturan yihiin ,aamusnaana ku kaba.

2—dadnimada togan:- dadnimada togan iyana laboynu usii kala dhanbalaynaa "dadnimada diiran ee togan”(waa qofka dadnimadiisu iyo shucuurtiisu qoyan tahay oo leh dhamaan dabeecado u muujinaayo dadka kale oo ay ku soo hiranayaan,oo ay dul hoganayaan ,danaynayaana inay la joogaan mar walba "waa hooyada danimada ",ta labaadna waa "dadnimada diiran ee taban”( waa danimada wanaagsan ee adoonku leeyahay laakin qarsoon oo aan aad u muuqan jeer la isdhex galo maahaane.” NB:ablabalyntani waa mid igu gaara”

Cilmi nafsiyahanka james f,keenan baa isna kuu dooday inay dadnimada tolmooni tahay”debci wanaag,dareen sinnaan,iyo daryeel banii aadantinimo” aan soo noqdee murtida iyo maansaynta dadnimada iyo dhaqan wanaaga waxaan la ilaaweyn halabuurkii soomaaliyeed sayid maxamed cabdille xassan :

Abuu yahayba aadmiga ninkii samo eekeynaya

Adoomaha ilaahayn nimaaan kala irdhaynaynin

Nin aamusoo shib ah,hadii erey xun loo geysto….

Nasteexiyo wanaag ninkii ilindi kuu keenaya

Amuurtaad lahayd ninkii kuu abaynaaya

Aduun iyo aakhiro ninkii ku islaaxinaaya…..

Aqiibada loo gallo nimaan kala ilaawaynin

Oo kuu axsaan fali intuu edeg aduun joogo

Oo aan abaaldhaca aqoon soo akhyaar maaha!!

Alle ha u naxariistee sayid Mohamed A xasan gabaygaasi wuu badnaa dhamaantii dhaqn wanaag buu ku aroorayey intanaa tusaale inoogu filan,bal tirri intuu isdaba taxay ee dabeecado ah, waa dabci wanaag,waa ammaan bixin, midayn,waa dul, daryeel nasteexo,deeqsinmo daacadnimo iyo danayn rasmiya oo ifkaaga iyo aakhiradaadaba ah,waa abaalgud iyo axsaan joogta ah intuu noolyahay ,markaasuu ugu danbeysiiyey soo ikhyaar maaha?qaab su aaleed adigaa lagu waydiiyeye yaa ka danimo wanaagsan.?cidna isaguun weeye arinku qofkaa intaas dabeecadood leh

Dadnimadu ma abuurbaa mise waa abhin iyo kasbasho uu qofku hanan karo intuu noolyahay iyo deeganka uu ku noolyahay,waxaa cajiiba in arintan ay raga aqoonka ahee cilmi nafsigu iyo noolahu ay aad ugu kala qaybsan yihiin,waliba mar marka qaarkood labo iyo saddex guruub noqdaan qolo abuurka u goyso dhamaan dabeecadaha oo dhan”total nuturists” iyo qolo deegaanka iyana u goysa”total nurturist”iyo qolo isku dhafta labadaba .macnaha ay daliishadaan ee ugu wayna waa qolada hore dhamaan dabeecadaha waa keena hidde la dhaxlay oo soo qaaday hiddosidaha unuga hooyada iyo aabaha dabadeedna ka soo muuqda qofka dabeecadiisa mid gudeed iyo mid dabadeed labadaba saameynta uu degaanku ku keenaana way yar tahay ama maba jirtoba. Qolada kalena waxay aaminsan yihiin in dabeecadaha dhamaan ay saameyso oy jaangoyso hadba deegnka uu ku noolyahay qofku70% inka badan in yaroo aan waxba ahayna u reeba abuurka qofka kuna dooda inoo xoog badnaado deeganku oo uu shiiqiyo, iyo qolada sadexadaad oo ah kuwa ugu dhow dhow ,waa kuwa yidhaahda dabciga waxaa dhaliya "hiddosidde 50%+deegaanka 50%”oo isu tegey ayaa soo saaraya dabeecadihii qofka debedde uga soo baxaayey ,tusaale xishoodku waa dabeecadaha dadnimada togan qayb ka mida qofku waxaa soo gudbinaaya hidosidiii ku jiray unuggii hooyadii iyo kii aabihii ka yimi oo isu tegey ayaa ka muuqanaaya qayb kalena dadka uu la nool yahay ,heerka aqoontiisa,ayuu ka kasbanayaa dabeedna waxaa soo baxaya qofkaa debcigiisa xishood .

Xabiibkeenii ,sayidkii noolasha nabi muxammad "SCW” ayaa saxaabigii :asha’aj binu abdul qays’ ku yidhi ‘waxaa ku sugnaaday labo dabeecadood oo uu ilaahay jecelyahay,,waa dulqaadka iyo degenaanshiiyaha”saxaabigii ba ku yidhi rasuul allow ‘ma debeecado aan ku dhaqmo uun baa mise waa abuur ilaahay isiiyey’ rasuulku’SCW’ wuxuu u celiyay ‘mayee ilaahaybaa kugu abuuray’markaasuu ku tiraabay saxaabigii ilaahay ban ku mahadinayaa igu abuuray dabciyo ay ilaahay iyo rasuulkiisu jecelyihiin.maxaad ku dhugatay xadiiskan ,ma aragtaa in dhaqanka iyo abeecuba yihiin abuur mase aragtaa inaanu rasuulku’SCW’ diidin iyana in lagu heli karo ku dhaqan ama deegaanka la kasbado,sidoo kale waxaynu dhuganaynaa in abuurku ka koreeyo kasbashada dabeecadaha ,taasina waa dheeraad ilaahay jalla wa calaa siduu doonaba yeele,ciduu doono siiyo.

Arrinka kalena waxa weeye abhinta ,tababarka,ku celcelinta,iyo u dhabar adayga ayaan la dafirikarayn inay fure u yihiin kasbashada iyo maalgashiga dhaqan dadnimo wanaaagsan.


Alleylehe--- awoodaha--- allahaa—aqligaaga-- ku abuuray-- intifaacso.!!
Aynigaaga--- aduunkan—amkiyee—aqoontaba- alkumoo--- adeegso!!
Abablaynta—-asaagaa-- -uma’oodna- adiguba--- abyamoo-- afmeeruun!!
Aayarkac----- ayaankaaga- abaaroo--- idanalle ----arooroo---- asiibuun!!!
Afeefdhigo---- arartaada ---anshaxjiro—asluubta--- aruursoo-- ayiduun!!
Amarada----- allahaa------ aamminun ----adeecay ahlandheh aqbaluun!!
Afartaa------ afbuuxa -----abidkaa -------ajabtu--- oggolow---- adkeysuun!!.




 

w/q: maxamed cabdiraxmaan ibraahim

facebook:Mohamed abdirahman dhagcad

email:mdhagcad06@hotmail.com.