Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa markii u horaysay ka xog-waramay ujeedada socdaal uu ku marayo gobolada bariga dalka, kaas oo soo dhawayn wayn oo uu shalay kala kulmay bulshadda gobolka Sool ku sifeeyey fariin u quus-goynaysa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay inuu ku mashquulsan yahay faro-galin ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland.

0
Wednesday February 05, 2014 - 20:09:04 in by Super Admin
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa markii u horaysay ka xog-waramay ujeedada socdaal uu ku marayo gobolada bariga dalka, kaas oo soo dhawayn wayn oo uu shalay kala kulmay bulshadda gobolka Sool ku sifeeyey fariin u quus-goynaysa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay inuu ku mashquulsan yahay faro-galin ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland.

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa markii u horaysay ka xog-waramay ujeedada socdaal uu ku marayo gobolada bariga dalka, kaas oo soo dhawayn wayn oo uu shalay kala kulmay bulshadda gobolka Sool ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa markii u horaysay ka xog-waramay ujeedada socdaal uu ku marayo gobolada bariga dalka, kaas oo soo dhawayn wayn oo uu shalay kala kulmay bulshadda gobolka Sool ku sifeeyey fariin u quus-goynaysa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay inuu ku mashquulsan yahay faro-galin ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa markii u horaysay ka xog-waramay ujeedada socdaal uu ku marayo gobolada bariga dalka, kaas oo soo dhawayn wayn oo uu shalay kala kulmay bulshadda gobolka Sool ku sifeeyey fariin u quus-goynaysa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay inuu ku mashquulsan yahay faro-galin ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland.


Dr Xaglo-toosiye waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo xalay uu khadka telefoonka uu ku siiyey Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan bahda wargeyska Haatuf isaga oo wasiirku ku sugan magaaladda Laascaanoodee xarunta gobolka Sool oo uu ku joogo socdaalo shaqo oo uu ugu kuurgaliyo baahiyaha caafimaad ee deegaanadaasi ka jira.

Sidoo kale wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye waxa uu digniin u diray madaxwaynaha cusub ee maamulka Puntland oo uu uga digay inuu wax faro-galin ah ku sameeyo deegaano ka mid ah Somaliland, kaas oo ugu hanjabay inuu isagu masuul ka noqon doono khasaaraha iyo dhibaatada ka dhalata dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah Somaliland.

 Ugu horayna isaga oo wasiir Xaglo-toosiye ka hadlaya ujeedada socdaalkiisa iyo qorshe shan sanadood ah oo uu sheegay in lagu dabooli doono baahida caafimaad ee guud ahaan deegaanadda iyo gobolada Somaliland ka jirta ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Ujeedada safarkaygan aan Laascaanood ku joogno waxa weeyi u kuurgal aanu u kuurgalayno guud ahaan xaalada caafimaad ee gobolka Sool iyo adeegyadda caafimaad ee ay bulshadda deegaankani hesho, waxaanu socdaalayagani salka ku hayaa safar ay wasaaradda caafimaadku qorshaysay inay ku marto lixda gobol ee Somaliland si loo ogaado wixii inoo qabsoomay iyo waxa qabyo ah, isla markaana marka aanu deegaamadda dalka oo dhan wada marno aanu u helno qorshe aanu ka duulno oo aanu waliba u helno sidii ama qaabkii qabyooyinka adeegyadda caafimaadka loo dhamaystiri lahaa”.isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaasi raaciyey "Socdaalkayaga wakhtigan aanu ku joogno deegaanadda bariga Somaliland waxa uu la mid yahay uun safarkii aanu hore ugu gaalaa-bixinay gobolada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal aanu wax badan ku soo ogaanay, imikana Sanaag, Togdheer, Saaxil, Sool iyo Maroodi Jeex-ba waanu wada maraynaa dhamaan gobolada dalka oo dhan, markaa sida aan hore kuugu sheegay safarkayagani guud ahaan waa u kuur-gal iyo xogogaal u noqoshadda waxyaabihii inoo qabsoomay iyo waxa qabyada inaga ah si aynu u dhamaystirno baahiyaha jira. Mida kale run ahaantii baahiyo badan ayaa ka jira gobolada dalka oo dhan ha kala baahi bataane, sida xaqiiqda ahna waxaan aaminsanahay anigu hadii aan deegaanadda dalka oo dhan aanan safar dhulka ah aanan ku marin oo aanan tuulo-tuulo u marin inaanan ogaanaynin qabyooyinka dhinaca caafimaadka ee dalkeena ka jira isla markaana waa arin naga go’an inaanu meelkasta cagta dhigno oo aanu ogaano baahida caafimaad ee ka jirta wadankeena, markaa waxaan aad iyo aad u rajaynayaa inuu socdaalkayagan aanu ugu kuurgalayno arimahaas aan sheegay inuu wax wayn ka tari doono wax ka qabashadda baahida caafimaad ee dalkeena haysata, marka kormeeradani noo dhamaadaana waxaanu samayn doonaa qorshe shan-sanadood ah oo aanu ku dabooli doono dhamaanba baahiyaha caafimaad ee dalkeena ka jira Insha Allaah”.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) mar uu ka hadlayey qorshaha xukuumadda Kulmiye ee adeegyada caafimaadka, waxa uu yidhi "Xukuumadda aan ka tirsanahay way ka go’an tahay in meelaha adeegyadda caafimaadku ku liitaan la siiyo mudnaanta 1-aad, gobolada bariga Somaliland-na mihiim wayn ayaanu siinaynaa hadii ay tahay dhinaca nabadgalyada, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyadda bulshadda iyo horumarka ba maadaama oo ay goboladii kale ee dalka ka danbeeyaan. Markaa waa qorshahayaga koowaad inaanu bulshadaasi horumarino iyada oo ay guud ahaan xukuumadda Somaliland ka go’an tahay wax u qabashadda bulshadda dalka oo dhan”.

Dr Xaglo-toosiye mar uu ka hadlayey dareenkiisa la xidhiidha sida loogu soo dhaweeyey xarunta gobolka Sool ee Laascaanood oo uu shalay gaadhay, waxa uu yidhi "Waxaan aad iyo aad ula dhacay sida wayn ee ay bulshadayda gobolka Sool ii soo dhaweeyeen ee aan kala hadhka lahayn, run ahaantiina waxay aniga shakhsiyan soo dhawayntaasi i galisay yididiilo iyo kalsooni badan, waxaanay soo dhawayntaasi i tustay inay dadka reer Sool yihiin dad reer Somaliland ah oo danaynaya cidkasta oo wax u qabanaysa ama danaynaysa ama daacad ka ah inay wax u qabanayso-ba oo ay waliba is barbar taagayaan xukuumadda Somaliland oo ay naga go’an tahay inaanu wax u qabanayo dadkaas oo run ahaantii ah dadkaygii iyo deegaankaygii. Aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay soo dhawayntaas ay igu qaabileen reer Sool oo aan uga mahad celinaya, waxaanay noqonaysaa soo dhawayntayda Laascaanood quusin ama fariin ay dadku u dirayaan oo ay ugu quus-goynayaan dadka isku dayeya inay faro-galin siyaasadeed ku soo sameeyaan wadankan Somaliland, waxaanay ka markhaati tahay dadku inay yihiin dad reer Somaliland ah oo danaynaya Somaliland-nimada, markaa waa yididiilo iyo dhiirigalin aniga igu soo korodhay oo ii muujisay shacabkeenani inay diyaar u yihiin inay wax lala qabto oo ay xukuumadda Somaliland-na is barbar taagayaan”.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye mar uu Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan Wargeyska Haatuf uu wax ka waydiiyey sida uu u arko hadalo shalay ka soo yeedhay Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Gaas oo isagu sheegay inay ka go’an tahay inuu qabsado deegaano Somaliland ka mid ah, waxaanu wasiirku su’aashaasi kaga jawaabay "Run ahaantii hadalkaasi waxaan u arkaa mid hurinaya colaad iyo dhibaato, C/wali Gaas waa nin dhalinyar ah oo aqoonyahan ah hadana waxaan uga digayaa inuu isku dayo talaabo kasta oo keeni karta colaad, waxaanan mar kale uga digayaa inuu haba-yaraatee uu faro-galin ku sameeyo deegaano ka mid ah Somaliland”. Wasiir Saleebaan isaga oo isla arimahaasi ka hadlaya, waxa uu intaas raaciyey "Waa laga soo gudbay wakhtigii qabiilka iyo isirka ee laga dhaxlay dagaaladii sokeeye.Wadanka Somaliland xuduudiisa wuu yaqaanaa oo 5KM ayey xuduuda Somaliland u jirtaa magaaladda Garoowe, sida runta ahna colaadu nina dan uguma jirto. C/wali Gaas-na waxaan u sheegayaa oo aan xasuusinayaa in Puntland tahay saddex gobol oo waliba saddexdaba ay dhibaatooyin ka jiraan oo amni daro iyo horumar la’aani ka jirto’e aqoontiisa goboladiisaasi ha galiyo oo wax ha u qabto, wixii faro-galin ah ee uu Somaliland ku soo sameeyo-na caano ka maali-maayo, Somaliland waxay xaq u leedahay inay is difaacdo oo xuduudaheedana sugto oo ilaaliso markaa Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waxay ka tirsan yihiin Somaliland, waxaananu diyaar u nahay in cidkasta oo xuduudahaasi soo faro-galisa inaanu ka difaacno dadkayaga”.

Ugu danbayn wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye mar uu baaq u dirayey beesha caalamka, waxa hadalkiisii ka mid ahaa "Beesha caalamka waxaanu ugu baaqaynaa inay la socdaan oo ay la taliyaan qolyaha meesha ku cusub ee digniinaha iyo hadalada colaada abuurayaa ka soo yeedhayaan, waxaananu dunida u sheegaynaa wixii ka yimaada dhaqdhaqaaqyadaasi waxa masuul ka ah maamulka cusub ee Puntland ee Garoowe ka dhisan oo 5KM xuduuda ay Somaliland la leeyihiin u jirto ayaa hadana nin xuduudu-ba intaasi u jirto caasimadoodii oo Boosaaso-na 15KM aanu u jirno waa u caqli xumo hanjabaadu uu ku celcelinayaa, anigu mana filayo inay dani ugu jirto Puntland in colaadi meel 5KM u jirta Garoowe inay ka bilaabanto mar walba waan ka digayaa arintaasi”.