Majalada France Football Oo Sii Diyaarsatay Seddexda Bog Ee Macquulka Ah Ee Guuleystaha FIFa Ballon d'Or Ee Caawa.

0
Monday January 12, 2015 - 15:48:15 in by Burco Office
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Majalada France Football Oo Sii Diyaarsatay Seddexda Bog Ee Macquulka Ah Ee Guuleystaha FIFa Ballon d'Or Ee Caawa.

    Majalada Faransiiska ah ee France Football ayaa sii diyaarsatay seddex majaladood oo ay ay ku xardhan yihiin seddexda xiddig ee macquulka ah inay ku guuleystaan abaalmarinta FIFA Ballon d'Or caawa, si xiddig walba oo ku guuleysta islamarkiiba sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Majalada Faransiiska ah ee France Football ayaa sii diyaarsatay seddex majaladood oo ay ay ku xardhan yihiin seddexda xiddig ee macquulka ah inay ku guuleystaan abaalmarinta FIFA Ballon d'Or caawa, si xiddig walba oo ku guuleysta islamarkiiba sheekadiisa hore looga akhristo majalada


.

France Football waa majaladii aasaastay abaalmarinta Ballon d’Or markii la siin jiray xiddiga ugu fiican Yurub, waxana ay haatan bahwadaag noqdeen FIFA iyadoo abaalmarinta FIFA Ballon d’Or la siiyo xiddiga ugu fiican adduunka.

Waxaana ay saaka baahiyeen sawirka seddex majaladood oo ay bogga hore midkiiba uu ku sawiran yahay xiddiga macquulka ah ee abaalmarinta ku guuleysan kara caawa Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Manuel Neuer.

Kaliya mid ka mid ah seddexdaas majaladood ayaana berri subax lagu iibin doonaa wadooyinka Faransiiska.

contatct@afkashacbka.com