Shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo weli qabsoomi la' iyo Guddomiyaha xisbiga oo ka hadlay hakadka ku yimi shirka +SAWIRO

0
Saturday March 22, 2014 - 13:05:20 in by Super Admin
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo weli qabsoomi la' iyo Guddomiyaha xisbiga oo ka hadlay hakadka ku yimi shirka +SAWIRO

    Shirweynaha Xisbi Xaakimka Kulmiye oo ay ahayd inuu maanta qabsoomo ayaa dib u dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynaha Xisbi Xaakimka Kulmiye oo ay ahayd inuu maanta qabsoomo ayaa dib u dhacay Shirweynaha Xisbi Xaakimka Kulmiye oo ay ahayd inuu maanta qabsoomo

ayaa dib u dhacay mudo aan wali la cayimin. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dib u dhaca Sharka uu sababay kala daadsanaan dhinaca Ergooyinka ah.

"Wax dib u dhac la yidhaa ma jiro, waxaa naga yara kala daadsan Ergooyinkii. Waxaana gabo-gabo ku dhow ergooyinkii,Haddii ALLE yidhaahdomaalmaha soo socda inay soo dhamaadaan baa la filayaa, waana wax iska caadi ah in shirweyneyaasha noocaas ahi maalmo dib u dhacaan waana shir weyne gobolada dalka iyo dibadaba laga imanaayo aadna waan uga xumahay dib u dhacyadaa hore ee shirka xisbiga Kulmiye imikase waa la qabanaayaa shirkii xisbiga.” Ayuu yidhi Mudane Muuse Biixi Cabdi oo HCTV u waramay Jimcihii.

Shirweynaha Kulmiye ayaa hore dhawr jeer dib ugu dhacay Xafiiltan ka dhexeeyey Hogaanka Xisbiga iyo masuuliyiin ku tartamayay Hogaanka, kaasi oo dhawaan lagu xaliyey inaan cidi ku tartamin Hogaanka Xisbiga. Hadda ayay socdaan hanaan lagu qaybinayo Ergooyinka ka qayb galay Shirka oo la sheegay in lagu salaynayo sidii doorashooyinkii hore Xisbiga Kulmiye Codadka uga helay degaanada. Xildhibaano ka tirsan Wakiilada oo Awdal ka soo jeeda ayaa maalmihii la soo dhaafay saluug ka muujiyey hanaanka Saami qaybsiga Ergooyinka Shirweynaha Kulmiye.

Dhinaca kale Gudoomiye Muuse Biixi oo la waydiiyey aragtidiisa ku wajahan in Doorashada sanadka 2015 wakhtigeedii ku qabsoomi doonto waxa uu yidhi "Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu waxay diyaar u yihiin in doorashadu xilligeeda ku dhacdo wax cabsi ah oo naga hayaana ma jirto, marka aan sidaa ku leeyahayna maaha macnaheedu annaga xukuumad baanu nahay oo dadkaanu jidh jiidhaynaa ee waxaa weeye annagu waxaanu nahay xisbi weyn oo jiray12 sano, shacbigana kalsooni weyn ayaanu ku qabnaa, shacbigayaga kii shalay na doortay iyo kuwa ku soo biirayba waxaanu qabnaa in aanu qancin doono, waxaanu nahay dad doorashada yaqaana wax dhulka naga yaalaana ma jiraan diyaar baanu u nahay doorashada.”

Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa walaac wayn ka qaba Doorashada oo wakhtigeeda dib uga dhacda ka dib markii ay dhawaan soo baxeen ifafaale la xidhiidha mudo kordhin Xukumadda Madaxweyne Siraanyo damacsan tahay. Gudoomiyaha Ucid ayaa ku baaqay in la dhisi doono Dawlad wadaag ah haddii Doorashada wakhtigeeda lagu qaban waayo.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com