Liverpool Oo Barbaro Gool La'aan Ah Anfield Kula Gashay Kooxda Blackburn

0
Monday March 09, 2015 - 09:06:19 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Barbaro Gool La'aan Ah Anfield Kula Gashay Kooxda Blackburn

    Iyo Reds Oo Lagu Qasbay Inay Kulan Ku Celis Ah Blackburn Gurigeeda Kula Soo Ciyaaraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyo Reds Oo Lagu Qasbay Inay Kulan Ku Celis Ah Blackburn Gurigeeda Kula Soo Ciyaaraan Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield barbaro gool la'aan ah kalaga kulantay kooxda Blackburn oo marti ugu hayd.Inkasta oo ay Reds inta badan kubbada iska haysatay ayay haddana ku guuldaraysatay inay wax gool ah ka dhaliyso kooxda Blackburn oo difaac ahaan u nidaamsanayd.Reds ayaa ku dooday in laba rekoodhe oo cad laga diiday iyada oo Lallana qalad lagu galay halka kubbadu uu Sterling watay ay gacanta kaga dhacday xidig Blackburn ah.

reds

Reds ayaa lagu qasbay inay kulan ku celis ah ugu baxdo garoonka kooxda Blackburn. Liverpool ayaa kulamadii wareega 16 ka sidan oo kale barbaro ula gashay kooxda Bolton laakiin markii danbe ayay garoonka Bolton guul ku soo gaadhay.Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaynaysay kooxda heerka Blackburn kulan ka tirsanaa sideed dhamaadka koobka FA Cupka. Liverpool oo qaab ciyaareed fiican kaga jirta horyaalka Ingiriiska ayaa doonaysay inay qaab ciyaareedkeeda uga faa’iidaysato sidii ay wareega afar dhamaadka ee FA Cupka ugu soo bixi lahayd.

Kabtanka Liverpool ee Steven Gerrard ayaa kulankan seegay inkasta oo uu ka soo laabtay dhaawac muruqa ah oo uu ku maqnaa.Kulankan ayaa ahaa kulan adag oo ay kooxda martida ahayd soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican isla markaana ay iska caabisay weerarka Reds.

Daqiiqadii 3 aad ee bilawgii ciyaarta ayay Liverpool dhibaato horlihi soo gaadhay kadib markii uu dhaawac soo gaadhay difaaceeda Martin Skrtel. Difaaca ayaana loola cararay cisbitaalka iyada ayna xaaladiisu ay halis u muuqatay, waxaana Skrtel ciyaarta laga saaray iyada oo ay goortu u duubantay.Skrtel2

Kulankan ayaa ahaa kulankii 12 aad ee ay Liverpool iyo Blackburn iskaga hor yimaadaan FA Cupka, iyadoo Blackburn kulankii ugu danbeeyay oo ahaa 2000 kii 1:0 kaga guulaysatay Liverpool oo Anfield Joogtay, waxayna markale doonaysay inay Liverpool reebto.

Liverpool ayaa kubbad haysashada badnayd isla markaana bosishanka gaadhsiisay boqolkiiba in ka badan 70%, laakiin Reds oo fursado fiican samaysay ayaa ku guuldaraysatay inay qaybta hore ee ciyaarta wax gool ah dhaliso. Inkasta oo uu Kolo Toure shabaqa soo taabtay ayaa haddana offside ahaan loo diiday.Liverpool ayaa ku dooday in ay rekoodhe heshay kadib markii difaaca Blackburn uu wax qalad u muuqday ku galay Lallana oo ku jiray xerada ganaaxa Blackburn laakiin garsooraha ayaan waxba tilmaamin qaybta hore ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.lallana

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Blackburn ku sigatay inay hogaanka ciyaarta la wareegto kaidib markii kubbad koorne ahayd oo ay soo tuuratay uu  Baptiste si xoogan uu madaxa ugu darbeeyay kubbada isla markaana uu ku sigtay inuu kooxdiisa hogaanka u dhiibo laakiin goolhaye Mignolet ayaa samayeey badbaadin heer sare ah.Mignolet oo qaybtii hore ee xili ciyaareedkan soo bandhigay qaab ciyaareed liita ayaa tan iyo markii uu Rodgers kursiga kaydka galiyay la soo baxay qaab ciyaareed layaableh.mignolet

Daqiiqadii 60 aad ayuu Kole Toure ku sigtay inuu kooxdiisa Liverpool goolka furitaanka udhaliyo balse dadaalkiisa ayaa ku dhamaaday in kubbadu ay ku dhacday birta goolka Blackburn.Liverpool ayaana bilawday inay weerar isdada joog ah ku qaado Blackburn halka Blackburn ay bilawday inay difaac gasho.

Inkasta oo ay Liverpool qaybta danbe fiicnayd ayay haddana jabin kari wayday difaaca nidaamsanaa ee Blackburn, Mario Balotelli oo ciyaarta badal ku soo galay, Daniel Sturridge, Henderson ayaa fursado fiican sameeyay laakiin dadaalka Liverpool ayaa ku dhamaanayay difaaca ama goolhayaha Blackburn.

21 fursadood oo ay Liverpool kulankan samaysay ayay afar kaliyi ahaayeen kuwo bartilmaameedkooda helay. ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah, waxayna kulan ku celis ah lagu ciyaari doonaa garoonka kooxda Blackburn , waxaana la filayaa in kulankaas la ciyaari doono todobaadka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxaha Man United iyo Arsenal.