Abaaro iyo Biyo la'aan soo foodsaartay Degaanka Gar adag iyo Guddomiyaha Degmadaas oo Qaylo dhaan ka Diray

0
Tuesday March 17, 2015 - 14:47:26 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaaro iyo Biyo la'aan soo foodsaartay Degaanka Gar adag iyo Guddomiyaha Degmadaas oo Qaylo dhaan ka Diray

    Maayirka degmada Gar-adag ee ka tirsan gobolka Sanaag Faarax Aadan Ciise ayaa qaylo dhaan ka muujiyey abaaro biyo la'aaneed oo ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirka degmada Gar-adag ee ka tirsan gobolka Sanaag Faarax Aadan Ciise ayaa qaylo dhaan ka muujiyey abaaro biyo la'aaneed oo ...

uu sheegay inay soo wajahday deegaanka uu maayirka ka yahay iyo tuulooyinka hoos yimaadda

Maayirka oo isaga oo ku sugan Gar-adag khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakadda caalmiga ah ee Somalilandtoday ayaa sheegay in deegaanadaa ay soo food saartay biyo yaraan baahsan, waxaana uu sidoo kale sheegay in deegaanada qaar ay ka jirto cunno yari. Faarax Aadan Ciise oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi”Walaal deegaanka waxaa ka jira abaaro biyo la’aan ah oo soo food saartay, tuulooyinka ayaa aad ugu sii daran meelaha qaar cuuno yar ayaa ka jirta, abaartuna waxay saamaysa dad iyo duunyaba”  Maayirka ayaa isagoo ka hadlaya deegaanada ugu ba’an ee abaartu ka taagan tahay waxa uu yidhi”deegaanada abaartu ay saamaysay waxaa ka mid tuurarka, cadaad, docolaha, goof badhcad, libaax , iyo qaar kale”.
Ugu dambayn Maayirka ayaa baaq u diray xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalimga ah waxaana uu ka codsaday in ciddii dadkan wax u qaban karaysaa ay gargaar la soo gaadho waxaan uu yidhi” waxaan baaq u diraya xukuumadda , hay’adaha caalamiga ah iyo cid kasta oo arrintan gacan ka gaysan karta”.