GOLE-KA-BAAN! Maanso Qaawinaysa Qabyaaladda Siyasiinta iyo aragtidooda – W/C. Xasan Dhuxul Laabsaalax

0
Friday July 03, 2015 - 15:23:01 in by salman abdi
  • Visits: 2721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOLE-KA-BAAN! Maanso Qaawinaysa Qabyaaladda Siyasiinta iyo aragtidooda – W/C. Xasan Dhuxul Laabsaalax

    Maansadan oo magaceedu yahayGole-ka-baan,waxa halabuuray Abwaan Xasan Dhuxul oo Laabsaalax loo yaqaanno. Laabsaalax oo ka mid ah halabuurrada wakhtigan ee da'yarta ah kuwooda ugu magaca dheer,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan oo magaceedu yahayGole-ka-baan,waxa halabuuray Abwaan Xasan Dhuxul oo Laabsaalax loo yaqaanno. Laabsaalax oo ka mid ah halabuurrada wakhtigan ee da'yarta ah kuwooda ugu magaca dheer,

waxa uu curiyay ku-dhowaad boqol heesood oo si weyn looga dhegaysto guud ahaan deegaannada Soomaalida. Xasan Dhuxul waa hoggaamiyaha koox-faneedda shaac baxday eeXiddigaha Geeska.

MaansadanGole-ka-baanwaxay ku fogaanaysaa iftiiminta xaaladaha dhaqan, dhaqaale, bulsheed ama siyaasadeed ee dalka ka jira. Waxay is dul taagaysaa oo ay dhiillo ka muujinaysaa saamaynta ba’an ee dawladnimada qabyaaladeed iyo qabyaaladda dawladeed. Dareenkaa iyo sida uu ugu dhex faafay nolosha mujtamaca ayay si daran uga dayrinaysaa.

Waxa kale oo ay maansadaGole-ka-baandaaha ka rogaysaa iimaha dul gawdiida nidaamka dumuqraadiyadeed ee dalka. Xisbiyada siyaasadda iyo sida ay u noqdeen qalab u adeega loona adeegsado qabyaaladda ayay si gaar ah farta ugu fiiqaysaa.

Gole-ka-baan,waxay ku ibo furatay sidan:

 

Waxaad godob ka faantaa

Waxad ceeb ka gubataa

Waxaad guul ku hirataa

Waxaad talo gorfaysaa

Waxaad garasho dirirtaa

Waxaad gole ka baantaa

Ruux geya markaad tahay

Hanku meel uu gayn karo.

.

Dadka ruuxa gacan madhan

In kastuu go’ cawlani

Garabkiisa sudhanyahay

Yaanu waayihii gabay

Kugu odhan gob maahoo

Waxaad galinba aragtiyo

Hadba dhaayo guudkood

Yay garasho kaa noqon.

 

Gobannimo ha wada bidin

Qof aad galab is aragteen

Ha na moodin gacalkaa

Guushaada ruux neceb.

 

Adigoo gargaar biday

Ruuxa gacan ku siin kara

Abaal maanta u gabay

Berri yaanu kuu galin.

 

Garta eexo haw u naqin

Hadba godobta kii fala

Ha ka dhigin in laga guday

Denbi uu isagu galay.

 

Cimrigiyo gu’gaagiyo

Garaadkaaga kaashoo

Gurrac hadalka haw odhan

Ha ku waayin ruux gob ah

Eray aanu kaa gayin!

 

Gees qudha nin laga hago,

Wax kastoo dhagaha gala

Lagu guro war uu guro

Oo gaba ha noqonnine

Xor ka noqo gabraarsiga.

 

Gujo nacasta hoosiyo

Goolaaftan lagu jabo

Yaanu ficilku kuu gayn.

 

Ha ka guban walaalkaa

Wuxuu libin guddoonsado,

Ha na noqon qof gaasira

Guusha aadmi taransado,

Hana noqon gar iyo daw

Ruux garaadka loo sido,

Ama lagu dan gaadhoo

Lagu guuro waligii!

 

Marna yaan go’aan li’i

Hadba gees laguu wadin,

Gadhwadeen laguu noqon,

Mabda’aaga garashadu

Gondihiisa yuu tagin

Nin ku gaadha tuu rabay.

 

Geeddi weeyi dunidani

Goblan bay ka tahay negi

Waa dharaaro gebigeed

Laga guuri doonoo

Geeri lagu sugaayee,

Ha gaaf meerin talo baas;

Galladeeda xoog iyo

Ha ku raadin giniyaad,

Hana gadin damiirkaa,

Kala garo amaaniyo

Wax aad gaar u leedahay,

Inaad godob ka baqatiyo

Kala daa gar eexaad.

 

Waligaa ha tagin goob

Wixii ceebo lagu galo

Goonni adiga kuu tahay.

 

Ha u galin wanaag ruux

Berri adiga guutiyo

Kuu samaysta geesh culus.

 

Gardarradiyo eexdiyo

Garabsiga ka waynow.

 

Gafku yaanu darajiyo

Kuu noqonnin gaashaan

Gobbood aad ka dhigtoo

Uunku yaanay kuu garan

Gardaadshaha waxyeellada.

 

Inkastood ahayd guul

Qof dedaal u gaar yahay

Oon ka gaabin tamartii

Wixi kaa gedmaday shalay

Maanka yaanay gubashiyo

Ku abuurin gocoshee

Maantiyo wixii gara

Ee kula gudboon yeel.

 

Hawl aanad wali galin

Horteed gogol u sii xaadh.

 

Wakhtiyada is gurayiyo

Maalmaha is garab yaal

Mid waliba gedday tahay

Dhacdadeeda kaga gudub.

 

Afartaa tusmada guud

Sheekada ku gaabshaye

Googgaa! dheh maansooy

Arrimaha gayiga jira!

 

Danta guud hirgalinteed

Gol dalooladeediyo

Markay tahay gufaynteed

Lama gabo dhankaagoo

Gole lalama joogsado

Waxaan laga garaabayn

Iyo taada gaarka ah.

 

Waxaad gaar u saartaan

Waxaad gego ka caydnaan

Waxaad geed xajiin badan

Hoostiisa gaysaan,

Ruux qabyaalad aan galin

Oon hoos u kala gurin

Dadkuu Guullaheen simay.

 

Xil siyaasi gudan karo

Uma eegtid garashiyo

Karti iyo go’aankee,

Waxaad garabka saartaan

Keena gawska dhaafsada

Qarannimada loo go’ay,

Gunno kay la wayn tahay

Geesibaan ku sheegnaa,

Nin damiirku gudhay baan

Ninka raga ag gaynaa!

 

Gale oo ka baxe shalay

Galabtana ku soo noqoy,

Xisbiyada u kala guur,

Markuu joogo waa gob e,

Gun ku sheeg markuu tago,

Beentiyo runtii goob,

Goor qudha ka wada sheeg,

Ammaaniyo dhaliil guud,

Hadalkii iskugu gee,

Mabda’ gaar ah ma lahee

Shacabkii wuxu gudo

Wuxuu galo oqoonsaday,

U garaac durbaan kale;

Iyaguna geddoodii

Boodhadh gaar ah la hor yaac.

 

Danta guud siyaasiga

Tiisa gaar ka doorbiday

Gar allee anoon wali

Go’a aan ka wada rogin,

Toban laabna guud maray

Xaajooyinkuu galo

God kalaan shaxdii degay.

 

Bal maxaad u kala guri

Bal maxaad u kala goyn

Bal maxaad u kala gayn

Bal maxaad gumaadkiyo

Goblankooda uga talin

Ummad geyi ku wada nool

Dhaqankana ka wada goba

Gibilkana iskaga mida

Af wadaaga goonniya,

Oo aan la kala garan

Oon gaal ku jirin qudhi!

 

Bal maxaad u hoos gayn

Nacabkooda guunka ah

Gobannimo dadkaa qaba

Shacabkaa go’aan qudha

Ku guddoomay libintii

Bal maxaad god ugu ridi

Taladay ku goosteen!

 

Kud ka guur haddana gee;

Geeddiga qanjaha gee;

Waa geddaynnu wada nahay.

 

Haldoorkiinnu waa gudin

Miskiin gooya seedaha.

Taladeennu waa gees

Danteenii ka gudhanoo

Hadba keenna gooyaa

Ku jaan gooya tiisii.

 

Dhalinteennu waa gaas

Guluub kii u shidi laa

Sidii xaabadii gubo.

 

Gayigani markuu shalay

Dadkiisoo is garabsaday

Beelnimo ka guureen

Xisbiyana gaardaadsheen

Rejo saw imay galin,

Saw guusha maan filan

Ka gadaal bil iyo bilo

Hankii aan lahaa gaadh

Saw gaaggax muu noqon.

Midhahaan lahaa geed

Beertaye ka soo guro

Garanwaa i muda iyo

Saw gocondho may noqon!

 

Saw qabyaaladdaan go’e

Bari hore garwaaqsaday

Inay tahay gumaysiga

Ma gudbuhu ku caan yahay

Bulshadeennu gurayoow

Saw ma wada gardaadshaan

Misna saw ma gaaxshaan

Saw uma guntanayaan!

 

Guulwade han liitiyo

Ma gabbade xishood tiray

Waxaan maanka gali karin

Oon gurbood ka daadagin

Guudka aan ka iman karin

Gunta aan ka socon karin

Saw gole lamuu tagin!

 

Dadkeennii gudboonaa

Saw iniba geesteed

Gaarkeed umay shirin,

Saw laysma kala gurin

Saw laysma wada ganin

Saw guuxi muu badan

Saw gocasho may iman!

 

Xisbiyadaan lahaa gu’gan

Gurmad weeyi ku yimid

Saw godobta reeraha

Kuwa nabarro geystee

Gunaad beeray may noqon!

 

Geeddigu intuu wali

Guuraayo sahan li’i

Intay gobolladeennii

Kala guulo badanyiin;

Bulsho kala godooddaay

Bulsho kala gudaysaay

Bulsho kala golaysaay

Dib intaad u gurataan

Ha u guurin reernimo

Qarankaad ku tahay gobe.

 

AbwaanXasan Saleebaan Dhuxul "Laabsaalax”

Facebook:Xasan Dhuxul LaabSaalax

Hargeysa,