Chelsea iyo Arsenal oo fooda is daraya

0
Saturday September 19, 2015 - 18:57:50 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea iyo Arsenal oo fooda is daraya

    Ciyaaraha dhex mara kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa mar kaste ah kuwo xamaasad leh, balse mida maanta oo sabti ah dhacaysa ayaa ah mid ka duwan kuwii caadiga ahaa waxayna qeexi doontaa labada kooxood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaraha dhex mara kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa mar kaste ah kuwo xamaasad leh, balse mida maanta oo sabti ah dhacaysa ayaa ah mid ka duwan kuwii caadiga ahaa waxayna qeexi doontaa labada kooxood.

Kooxda uu tababaro Jose Mourinho ayay ka jajaban tahay oo ay ku adagtahay difaacashada koobka ay hadda haystaan balse haddii ay badiyaan waxay ka nafisi doonaan cadaadiska saaran waxayna fursad u heli doonaan in ay si wanaagsan ku bilaabaan tartankan.

Siday doonaanba ha ku badiyaane haday Chelsea badiso wuxuu culaysku ku wareegi doonaa tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger

Tababaraha Arsenal Winger oo haddaba culays saaran yahay ayay xaaladdu ku sii adkaan doontaa hadii laga badiyo.

Chelsea laftirkeeda hadii laga badiyo waxa ay mugdi galinaysaa difaacashadii horyaalnimada.

Labada tababare oo ciyaarta ka hor la waraystay ayaa la waydiiyay in ay isa salaami doonaan balse midkoodna si toos ah ugama jawaabin mana aysan xaqiijinin in ay isa salaami doonaan.

Kooxdeed taageersan tahay adigu, maxaadse ciyaarta ka filaysaa fadlan ra'yigaaga nagula wadaag barta facebook aan ku leenahay adiga oo mahadsan.