Wax Matare Wax is Biday. W/Q: Musatafe Shaybe

0
Tuesday January 12, 2016 - 15:00:04 in by salman abdi
  • Visits: 2199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Matare Wax is Biday. W/Q: Musatafe Shaybe

    Wuxu ku hanaqaaday oo uu ku barbaaray, Degaan iyo Dhul ayba yartahay inta samaha iyo wanaaga ka shaqaysaa. Waa geddii inuu isna dhinaca qabsado, qaska iyo kala irdhaynta bulshada uu la noolyahay. Balse iyada oo ay taasi jirto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxu ku hanaqaaday oo uu ku barbaaray, Degaan iyo Dhul ayba yartahay inta samaha iyo wanaaga ka shaqaysaa. Waa geddii inuu isna dhinaca qabsado, qaska iyo kala irdhaynta bulshada uu la noolyahay. Balse iyada oo ay taasi jirto


haddana weynaha Khaaliga ah ayaa garashada bixiya. Oo degaanka waxaa kula nool sama-talis geed dheer iyo mid gabaanba ugu taagan, waanaga iyo horumarka bulshada isagana la ayni iyo la fac ah.  Ninka loogu magaca daray "wax matare wax is biday” Magaciisii loogu wanqalay, waxa uu ahaa Garaad. Iyada oo lagu tuhmayay lana saadaalinayay inuu noqon doono Beel daajiye lagu soo hirto. Oo bulshada saxiirka iyo sumal-haadka ay ku jirto uu ka saari doono. Garoo saadaashaa waxaa loo sameeyay habeenka uu dhashay ayaa ahayd, habeen kamida habeenada Dayaxu dago gododka faalku amaanay.

Garaad la kori, Hiil iyo Hooba waa laysla garabtaagay. Waa la cumaaday loona yeelay astaamihii iyo wanaagii lagu yaqiin Sama-taliska. Kolkii uu isku hubsaday hadda inuu yahay inuun nin bulshada uu la noolyahay, ay ku xisaabtamayso, oo Itaal iyo Garasho intay ahaataba wuxuun la biday.

Abuur iyo waano, Abuurba horeyee. Ninkii Garaad ahaa wuxuu la soo baxay miciyo iyo weji kale oo aan loogaba fadhiyin. Waxa uu noqday kala dile kala ka xeeya bulshada. Wuxuu ka soo horjeestay degaanka uu jooga cid kastoo samaha wada. Waxa uu bilaabay inuu yimaado goloyaasha lagaga arinsanaayo, xaajooyinka dadka iyo degaanka danta u ah, oo uu budhka ka dhex lulo duufsadana afar midh oo garasho ahaan isaga la fil ah.

Marakay xaajo halkaa marayso, oo ninkii Garaad ahaa hablihii yar-yaraa ee adhiga loo diray ku sheekaysteen wejiga uu la soo baxay. Ayaa maalim malmaha kamida Islaan la odha jiray Cibaado Liwa-liwaa, ay maqashay caruurtii oo ku heesaysa.

·         Garaadkaanu boqornee

·         Garashada ku tuhunee

·         Gondihiisa fiirshee

·         Gomadaha is gooyow

·         Garaad gaabene

·         Walee ku garaado beeshay.

Cibaado Liwa-liwaa  caruutii ayay weydiisay "kan muxuu ahaa eedo sidan  u jabay” dhalaankii iyagoon dhinacna u danqa-qabin ayay u sheegeen, oo ku yidhaadeen  Eedo  " Waa kii Gugii Caano badane dhashay, ee sheegan jiray garaadka iyo samo taliska oo hadda uun la soo baxay wejiyo hor leh, iyo kala kaxayn dadkii ah”

Liwa-liwaa oo ogayd isku duubnida wadareed iyo lafaha adag, eek u jira bulshada uu Ninkani wejiga bahalnimada ah u la soo baxay ayaa caloosha iska tiri " War-ba.  Wax Matare Wax is Biday. Kaas waan arkayay habeenkii garaadka lagu sheegayaay inuu laba Ceesaamood soo doojinayn.”

Ninkii garaad ahaa hadda waxa uu ku caan-baxay magacaa "Wax Matare Wax is Biday.” Oo wax alle wuxuu bulshadiisii taray la doonyoo waa la wayay. Hagardaamo iyo naxli uu abuuray mooyaane. Labadii caruura iyo labadii si laamood ee meel wda joogaa, isaga uun ayay ku sheekaysanayaan, oo degaankiiba geed uu hadhsado waa uu ka waayay.

Gunaanad

Qofka xumaha iyo naxliga ka shaqeeya ee bulshada dusha is kaga qurxiya,  sidan ayaa u danbayn doonta. In tukuhu ku ciyo, meeshuu galaba.

 

Qalinkii: mustafe X Axmed (Sheybe)

Email: Onkod1990@gmail.com