Daawo:Kooxda Atlético de Madrid Oo Real Madrid Ku Garaacay Garoonkeeda

0
Sunday February 28, 2016 - 08:05:28 in by Burco Office
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Kooxda Atlético de Madrid Oo Real Madrid Ku Garaacay Garoonkeeda

    kooxda Atletico Madrid ayaa Real Madrid ku garaacday garoonkeeda Bernabeu, waxayna kooxda martida ahayd ay guushan DAHABIGA AH ku gaadhay gool kaliya oo uuAntoine Griezmann uu kooxdiisa u dhaliyay, waxayna Atletioc Madrid guushani ka caawisay in ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kooxda Atletico Madrid ayaa Real Madrid ku garaacday garoonkeeda Bernabeu, waxayna kooxda martida ahayd ay guushan DAHABIGA AH ku gaadhay gool kaliya oo uuAntoine Griezmann uu kooxdiisa u dhaliyay, waxayna Atletioc Madrid guushani ka caawisay in ay

 4 dhibcood oo saafi ah ka sarayso kooxda ay dariska yihiin ee Real Madrid. Zinedine Zidane ayaa guuldaradadiisii Madrid ugu horaysay isaga oo tababare ah dhadhamiyay laakiin waqtiga iyo goobta ay ku soo aaday ayaa Zidane iyo wiilashiisa dhulka dhigtay. Real Madrid ayaa haddaba u muuqata in ay si rasmi ah uga hadhayso tartanka horyaalka La Ligaha uga hadhayso waxaana la sugi doonaa haddii ay Barcelona ka guulaysato Sevilla.

Real Madrid ayaa kooxda ay dariska yihiin ee Atletico Madrid ku soo dhawaysay Santiago Bernabeu ee kulanka labaad Madrid Derby. Kulankii hore ee Madrid Derby ee horaantii xili ciyaareedkan ka soo dhacay Vincente Celderon ayay labada kooxood dhibcaha soo qaybsadeen laakiin markan kooxaha Zidane iyo Simeone ayaa u dagaalamayay kaalinta labaad iyaga oo maanka ku hayay in dhibco ay lumiyaan ay koobka horyaalka u gacan galindoonto kooxda ay si wada jir ah ula xifiltamayaan ee Barcelona.Zidane and Simeone

Real Madrid ayaa si khaas ah ugu xoogan kulamada ay garoonkeeda ku ciyaartay ee La Ligaha, tan iyo markii uu Zidane qabtay Madrid ayaa Bernabue ku silcisay kooxihii soo booqday, laakiin sidoo kale kooxda Atletico Madrid ayaa ah kooxda lagu tilmaamo kooxda Yurub ugu difaaca fiican, waxayna xili ciyaareedkan rekoodh cajiib ah ku haysataa kulamada ay martida tahay La Ligaha.Zidane ayaa kulankiisii Madrid derby ahaa ee ugu horeeyay isaga oo tababare Madrid ah ka horyimid Atletico Madrid.Atletico

Natiijo kasta oo laga filan karay kulanka Madrid derby ayaan wali si dhab
ah looga go’aan qaadan karin kooxda La Ligaha ku guulaysan doonta, basle natiijada labada kooxood ugu xun ayaa ahayd in ay barbaro galaan taas oo Barcelona fursada ugu WAYN siin kartay in ay xili horeba kooxahan ka si dhab ah uga fogaato.

Shixihii labada kooxood ee Kulankan:

Real Madrid(4-3-3):Keylor Navas, Danilo, Varane, Ramos, Carvajal; Kroos, Modric, Isco; James, Benzema , Cristiano

Kadyka:Casilla, Nacho, Casemiro, Kovacic, Lucas Vazquez, Jese, Borja Mayoral

Atletico Madrid(4-4-2):Oblak; Juanfran, Gimenez, Godin (c), Filipe Luis; Niguez, Gabi, Fernandez, Koke; Griezmann, Torres.

Kaydka:Moya, Kranevitter, Oliver, Correa, Gamez, Hernandez, Vietto.

Kulankan ayaa ku bilawday qaab adag isla markaana ay labada kooxood taxadar wayn ka samaynayeen, haddii la filanayay in labada kooxood ay markiiba fursado abuuri karaan ama ay goolal xili hore kala dhalin karay taasi waxay noqotay mid beenawday waxayna qaybta hore ee kulankani ahayd mid aan la dareemin awooda labada kooxood oo dhab ah.

Ilaa intii laga soo gaadhayay daqiiqadii 32 aad may jirin hal koox oo samaysay bartilmaameed goolka ah ama fursad gool lagu dhalin karo, laakiin markan Cristaino Ronaldo ayaa loo dhigay kubbad laaga xorta ah wuxuuna dorbo xoogan ku tuuray goolka Atletico laakiin waxaa darbadiisa si xoogan isaga saaray goolkhaye Oblak

.Ronaldo

Laakiin markale ciyaarta ayaa muddo sii ahayd mid khakda dhexe uu dagaalka ugu wayni ka socday, Atletico Madrid ayaa u muuqatay in ay mararka qaar dhibaato ku abuuraysay Real Madrid waxayna helaysay koorneyaal badan balse waxay awoodi waayeen in ay fursadahan ka faa’iideeyaan.

Daqiiqadii 40 aad ayay Atletico Madrid markeeda heshay fursadeeda ugu cajiibsanayd waxaana darbo xoogan oo cajiib ah goolka Madrid ku tuurayFernandez laakiin markiisa goolhaye Keylor Navas ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah. Waxayna labada kooxood qaybta hore ku kala baxeen barbaro gool la’aan ah, inkasta oo ay dadaal badan sameeyeen.Navas

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Zidane ciyaarta ka saarayKarim Benzema oo aan qaybta hore wax saamayn ah ciyaarta ku yeelan wuxuuna fursad siiyay da’yarka todobaadkii hore wacdaraha soo sameeyay eeBorja Mayoral Moya.Benzema oo kulankan dhaawac ka soo laabtay ayaa la sheegayaa in uu qaybta danbe ciyaari kariyay waxaana la filayaa in uu ku soo kacay dhaawicii uu ka soo laabtay.Benzema

Qaybta danbe ayay ciyaartu gashay xamaasad cusub iyo dardar xoogan, waxaana markiiba fursadii ugu horaysay oo halis ah heshay Real Madrid iyada oo Cristiano Ronaldo uu ugu dhawaaday in uu jabiyo ismari waaga laakiin darbadiisa ayaa birta goolka Atletico Madrid.Ronaldooo

WAQTIGII CIYAARTA: Daqiiqadii 53 aad Atletico Madrid ayaa soo qaaday weerar dilaah isla markaana ay kula timid goolkeeda furitaanka waxaana jamaahiirta Santiago Bernabeu soo buux dhaafiyay neefta ku celiyay Antoine Griezmann kaas oo gool si fiican looga shaqeeyay dhamaystiray wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0

.32Griezmann

Markale Zidane ayaa ku qanci waayay qaab ciyaareedka liita ee uu kulankan soo badhigayJames David Rodríguez wuxuuna macalinka ree France uu kursiga kaydka uga yeedhayLucas Vázquez Iglesias, waxayna Madrid bilawday in ay si dhab ah uga dagaalanto goolka looga hormaray iyada oo garoonkeeda marti loogu ahaa.


GriezmannIyada oo Real Madrid ay awoodeeda oo dhan ay iskgu gaysay ayay kooxda Atletico Madrid daqiiqadii 66 aad ay heshay fursad ay kula iman gaadhay goolkeeda labaad waxaana si layaableh iskugu xidhmayGriezmann iyo Juanfran laakiin goolhaye Keylor Navas ayaa markan kooxdiisa halista ka badbaadiyay.Torres

DAQIIQADII 68 aad ayay jamaahiirta Bernabue fisheen in ay ugu danbayn heleen goolka barbaraha kadib markii uuCarvajal uu kubbad qurux badan u soo karoosay Cristiano Ronaldo isla markaana uu xidiga ree portugal uu helay fursad aan la rumaysan karin laakiin darbadiisa uu madaxa u ku sameeyay ayuu goolhaye Oblak si fiican u qabsaday

.Ronaldo3

Daqiiqadii 70 aad Zidane ayaa isticmaalay badalkiisa saddexaad ee ugu danbeeyay si uu ciyaarta weerarkeeda uu u sii xooxiyo wuxuuna ciyaarta ka saarayFrancisco Román Isco wuxuuna kaydka ka soo kiciyayJesé Rodríguez Ruiz, waxayna markan Real Madrid ay si xoogan u raadinaysay goolka barbaraha laakiin Atletico Madrid ayaa iyaduna difaaceeda si buuxda u xidhatay.Zidanee

Daqiiqadii 75 aad Real Madrid ayaa ku dooday in ay rekoodhe heshay kadib markii Danilo uu cadaadis xerada ganaaxa Atletico kagala kulmayGabi laakiin garsrahaa ayaan shaki ah galin wuxuuna tilmaamay in Danilo uu istuuray isla markaana aanuGabi wax qalad ah samayn.

Markale Ronaldo ayaa daqiiqadii 83 aad helay fursad kale oo madax ah laakiin waxayna u muuqatay in goolhaye Oblak uu ahaa dhibta ugu wayn ee Real Madid iyo Ronaldo fursadaha ka beeniyay. Daqiiqadii 88 aad Real Madrid ayaa ugu dhawaan heshay goolkeeda barbaraha kadib markii weerar deg deg ah oo ay Madrid soo qaaday uu Danilo shabaqa ku soo taaban gaadhay laakiin darbadiisa ayaa birta wax yar u martay. Maxay Atletico markan sigatay!.Ronaldo2

Ma rumaysan kartid shaqada LAYAABKA LEH ee uu difaaca yurub ugu fiican ee Atletico Madrid uu kulankan sameeyay wuxuuna ahaa difaaca isku xidhan isla markaana xadiid ah oo ayna fursad abuurista badan ee Madrid ayna kala furi karin.

Laakiin Real Madrid raadinaysay dariiqii ay si uun ugu jabin lahayd difaaca kooxda Simeone.wax kasta oo ay Madrid samaysay waxay awooday wayday in ay jabiso difaaca Atletico Madrid oo xili ciyaareedkan ah mid ka tilmaaman Yurub waxaana sidaa guul wayn DAHABI AH ku gaadhay kooxda martida ahayd ee Atletico Madrid

.Ronaldoo2

Waa guuldaradii ugu horaysay ee Real Madrid soo gaadhay intii uu Zidane ahaa tababaraheeda laakiin in Zidane uu kulankiisii Madrid Derby ahaa uu guuldaro ku bilawday ayaa ah waxa ugu xun ee jamaahiirta Madrid ay ka dareemayaan kulakan, laakiin sidoo kale waxayba haddaba uu muuqataa in Real Madrid ay si dhab ah u macasalaamaynayso koobka La Ligaha. Guushan ayaa Atletoco Madrid ka caawisay in ay afar dhibcood oo saafi ah ka sare marto kooxda ay dariska yihiin ee Real Madrid.