Deg Deg Duufaanta Dorian oo ku wajahan Florida

0
Wednesday September 04, 2019 - 13:25:19 in by salman abdi
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Duufaanta Dorian oo ku wajahan Florida

    Deg Deg Duufaanta Dorian oo ku wajahan Florida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg Duufaanta Dorian oo ku wajahan Florida

Duufaanta Dorian ayaa u muuqata mid gaabis ku socota ilaa iyo hadda, xilli ay ku wajahantay xeebaha gobolka Florida.

 

 

 

Hasse ahaatee, khubarrada ayaa ka digaya in taasi ay macnaheedu tahay in dadka ku nool Florida iyo gobollada ku dherersan xeebaha Koofurbari ee Mareykanka ay u qaataan in duufaantu ay istaagtay.

 

 

Saraakiisha Shaadaasha Hawada ee Mareykanka ayaa sheegay in Duufaanta Dorian ay sii xoogeysa doono una dhaqaaqi doonto iyada oo dabeylo khatar ah wadata, gobollada Florida iyo Georgia Arbacada.

Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay roobab mahiigaan ah iyo dabeylo xoogan ku mari doono gobollada Waqooyiga iyo Koofurta Carolina.

Khubarada Mareykanka ugu qaabilsan duufaannada ayaa ugu baaqay dhamaan dadka ku nool gobollada ku teedsan badda Atlaantiga, laga soo billaabo Maryland ilaa New York ay muujifiyaan feejignaan dheeraad ah ishana ku hayaan xaaladda duufaanta Dorian.