Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo dalka Turkiga ku geeriyooday

0
Sunday July 12, 2020 - 18:16:09 in by salman abdi
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo dalka Turkiga ku geeriyooday

    Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo dalka Turkiga ku geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo dalka Turkiga ku geeriyooday Xasan Abshir Faarax oo horay ra’iisul wasaare ugasoo noqday Soomaaliya ayaa ku geeroyooday dalka Turkiga sida ay eheladiisan u xaqiijiyeen Warbaahinta.

 
 
Marxuumka ayaa waxa uu waayadii dembe ku xanuunsanayay waddankaasi, waxa uuna ahaa siyaasi miisaan culus oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya .

Allaha U Naxariistee Abshir ayaa xilligii dowalddii dhexe, bur-burka ka hor soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Caasimadda Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale 2001-dii illaa 2003-dii uu soo noqday ra’iisul wasaarahii Soomaaliya, xilligaas oo uu dalka madaxweyne Kumeel gaar ah ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Xasan Abshir Faarax ayaa kamid ahaa aas-aasayaasha Puntland, wuxuuna ahaa siyaasi si weyn looga qadariyo guud ahaan Soomaaliya

Waxa uu ku geeriyooday da’da 75 sano, sida caa’iladiisa ay sheegeen.