Chelsea Oo Guul Raaxo Leh Stamford Bridge Kaga Gaadhay Sporting Iyadoo Heerka Group-yada Ee Champions Leaquega Guul Ku Soo Gabagabaysay

0
Thursday December 11, 2014 - 01:20:33 in by Burco Office
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Guul Raaxo Leh Stamford Bridge Kaga Gaadhay Sporting Iyadoo Heerka Group-yada Ee Champions Leaquega Guul Ku Soo Gabagabaysay

    Kooxda Chelsea ayaa gurigeeda guul kaga gaadhay kooxda Sporting Lisbon waxayna Chelsea guushan ku gaadhay 3:1, waxaana goolasha u kala dhaliyay Fabregas, Schurrle iyo Mikel halka uu goolka calanka Sporting u dhaliyay Silva. Chelsea ayaa Stamford B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa gurigeeda guul kaga gaadhay kooxda Sporting Lisbon waxayna Chelsea guushan ku gaadhay 3:1, waxaana goolasha u kala dhaliyay Fabregas, Schurrle iyo Mikel halka uu goolka calanka Sporting u dhaliyay Silva. Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhawaysay kooxda ree Portugal ee Sporting Lisbon, Chelsea ayaana kulankan iskeentay iyada oo hore boos ugu samaysatay wareega xidiga ee Champions leaqeuga. Laakiin Chelsea ayaa doonaysay inay heerka group-yada ee Champions Leaqeuga ku soo xidhato guul.



Chelsea ayaana ciyaarta ku soo gashay dardar horleh, waxayna goolkeeda furitaanka la timid daqiiqadii 8aad u dhaliyayCesc Fàbregas, goolkaas ayaana ku yimid rekoodhe lagu galay Flippe Luis kaas oo qalad cad lagu galay isaga oo ku jira xerada ganaaxa Sporting. ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta kula wareegtay.fabregas

Daqiiqadii 16 ayuunaAndre Schürrle kooxdiisa Blues u saxiixay goolka labaad, wuxuuna ciyaarta u badalay 2:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay. Kubbad uu ka helayNemanja Matić ayuu Schurrle goolka Chelsea ugu dhaliyay.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2:0 ay Chelsea ciyaarta hogaanka ugu hayso.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayayna Chelsea halkii ka sii waday qaab ciyaareedkeeda fiicanaa laakiin Sporting ayaa goolkeeda kowaad latimid daqiiqadii 50 aad waxaana goolkaas udhaliyay Jonathan Silvaiyada oo ciyaartu noqotay 2:1.oo ay Chelsea wali gacanta sare ku leedahay.silva

Si kastaba ha ahaatee Chelseda ayaadaqiiqadii 56 aad goolka saddexaad uu u dhaliyay Obi Mikel wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ugu raaxaysnayso.Mikel

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3:1 ay Chelsea guushu ku raacday. Chelsea ayaana heerka group-yada ee Champions Leaqeuga ku soo afmeertay guul ay ka gaadhay kooxda martida u ahayd ee Sporting Lisbon

. contact@afkashacabka.com