Manchester City Iyo Chelsea Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Gooldhaliyaha 2014 Ee Premier League Wilfried Bony

0
Wednesday December 31, 2014 - 12:43:44 in by Burco Office
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City Iyo Chelsea Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Gooldhaliyaha 2014 Ee Premier League Wilfried Bony

    Manchester United ayaa ku warantay iney la xiriirtay kooxda Swansea City si ugala hadasho saxiixa weeraryahanka reer Ivory Coast Wilfried Bony. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay dhaawacyo soo gaareen sadexdii weerar ee ay kooxda heysatay Ag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa ku warantay iney la xiriirtay kooxda Swansea City si ugala hadasho saxiixa weeraryahanka reer Ivory Coast Wilfried Bony. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay dhaawacyo soo gaareen sadexdii weerar ee ay kooxda heysatay Aguero, Dzeko iyo Jovetic

.

Sida ay soo warineyso Telegraph, kooxda Manchester City ayaa aad u xiiseyneysa saxiixa xidigaan kaas oo Swansea ugu qiimeysan aduun lacageed dhan 30 Malyan Oo Pound.

Wilfried Bony Ayaa dhaliyay 33-gool, 69-kulan oo uu saftay xidigaan tan iyo markii uu kooxda gobolka Wales ka dhisan kusoo biiray July 2013.

26-jirkaan heerka caalami wuxuu dhawaan saxiixay heshiis cusub, waxaana heshiiskisa lagu jabin karaa 19 Malyan Oo Pound, taasoo wax badan ka raqiisan lacagta ay haatan duldhigtay Swansea.

Agaasimaha kooxda Manchester City Txiki Begiristain ayaa daawaday qaab ciyaareedka Bonny kulan ay kooxdiisa qasaaro 4-1 ah ka heshay Liverpool kulan ka dhacay Anfield Road.

Ugu dambeyntii Manchester City maamulkeeda waxey doonayaan iney difaacdaan horyaalka waxeyna xal u arkeen in weerarka la xoojiyo.

contact@afkashacabka.com