Sigaarka iyo cudurada ay ku Kenan Sambabada

0
Monday September 28, 2015 - 16:57:12 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sigaarka iyo cudurada ay ku Kenan Sambabada

    Sirta ka dambeysa sababta uu sambabahoodu u fayow yahay, iyago weligood sigaar cabayay, ayey seynisyahada UK sharaxeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sirta ka dambeysa sababta uu sambabahoodu u fayow yahay, iyago weligood sigaar cabayay, ayey seynisyahada UK sharaxeen.

Baaris lagu sameeyay in ka badan konton kun ruux, ayaa muujineysay in isbedelada fiican ee dhiigga dadka, ay kor u qaadaan shaqada sambabka, ayna ka celiyeen saameynta dhimashada leh, ee ay cabista sigaarku leedahay.

Golaha cilmi baarayaasha seynisyahanada daawoda, ayaa sheegaya in waxa ay baaristoodu ku ogaadeen ay horseedi karto, daawo cusub oo kor loogu qaado shaqada sambabka.

In badan oo ka mid ah kuwa sigaarka caba, ayaa waxaa ku dhaca cudurada sambabaha, inkastoo ay jiraan kuwa qaba cuduradaasi oo aan weligood sigaar cabin.

Cilimi baarayaasha, ayaa baaris ku sameeyay xog badan oo ku saabsan caafimaadka iyo hidaha mutadawaciinta mashruuca Biobank ee UK.

Waxay eegeen cudurada sambaba ee loo yaqaano COPD, kuwaasi oo keena neefsi la'aanta, qufac iyo caabuqa feeraha oo soo noqnoqda.

Isbarbardhig lagu sameeyay, kuwa sigaarka caba iyo kuwan aan cabin, iyo sidoo kale kuwa qaba cudurka iyo kuwa aan qabanin, ayey ogaadeen in qeybo ka mid ah dhiiggeena uu yareeyo qatarta cudurada sambabaha.

Sigaar-cabayaasha hiddaha fiican leh, ayey hooseysa qatarta in ay qaadaan cudurada sambabaha, marka loo fiiriyo kuwa u liito hidahoodu.

Image copyrightThinkstock

Waxa kaliya oo cuduradan looga hortagi karo, ayaa ah in la joojiyo cabista sigaarka.

Waxa ay heleen seynisyahanada, ayaa lagu soo bandhigay kulanka ururka hab neefsiga Yurub, waxaana lagu daabacay wargeyska cilmiga neefsiga ee Lancet.