
DAVID BECKHAM OO SHAQAALEYSIINAYA DAVID MOYES.
David Beckham ayaa rajeynaya inuu ka dhaadhiciyo David Moyes inuu noqdo tababaraha kooxdiisa cusub ee Miami ee ka ciyaari doonta horyaalka Mareykanka.
Macalinkii hore ee Manchester United ayaa ixtiraam weyn ka heysta dhanka David Beckham sida ay sheegeyso Sunday Times, waxaana uu isku dayi doonaa inuu 51 jirkaan kula soo biro Mareykanka.
Moyes ayaa joogay dhawaan Florida halkaasoo uu ku yaalo guri uu leeyahay, waxaana uu sidoo kale daawaday kulankii England iyo Ecaudor ay barbaraha galeen.
Waxaana uu qorsheynayaa inuu fasax kubadeed ku soo maro meelo badan si uusan u caajisin haddii shaqo uusan helin bilaha soo socda.
Moyes ayaa doonaya inuu Yurub macalin ka sii ahaado gaar ahaan koox Champions League ka ciyaareysa laakiin Beckham ayaa kalsooni ku qaba inuu Moyes u soo weecin karo Mareykanka
afkashacabka.com / cayaaraha
contact@afkashacabka.com
DAVID BECKHAM OO SHAQAALEYSIINAYA DAVID MOYES.
David Beckham ayaa rajeynaya inuu ka dhaadhiciyo David Moyes inuu noqdo tababaraha kooxdiisa cusub ee Miami ee ka ciyaari doonta horyaalka Mareykanka.