Gabayga saddexaad ee ee silsiladd "Dabargoynta Qabyaaladda"

0
Saturday June 14, 2014 - 16:45:20 in by Super Admin
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga saddexaad ee ee silsiladd "Dabargoynta Qabyaaladda"

    Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen

Gabayga saddexaad ee ee silsiladd "Dabargoynta Qabyaaladda”Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad suugaaneed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano,Ardey iyo waxgaradba isugujira oo kala jooga adduunyada daafaheeda.

Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo Cudurka dilaaga ah ee la hadhay umadda Soomaaliyeed guri iyo Gobol ay joogtaba, Suugaanta ayaa waxaa la doonayaa inay horseed ka noqoto kacdoon ka dhan ah QABYAALADDA iyo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan oo aysan jirin sidii lagu yaqaanay Silsiladdaha Suugaanta aragtiyo kala duwan, balse silsiladdan ayaa ah hal DAWO oo la wada doonayo iyo Cudur caafimaadkiisa la wada goobayo.

Gabay weliba xaladiisa ayuu leeyahay Hal abuur weliba ku cabiro Aragtidiisa dhibkeeda iyo qaabka loo dabargooyn karo, iyo sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa waxay ka billaabatey Baraha xidhiidhka bulshada ee loo yaqaan "FACEBOOK" Golayaal Suugaaneed oo ay dhallinyarada iyo suugaanyahanadu ku kala war qaataan, golahayaashaas ayaa kala a "GOLAHA TARTANKA SUUFGAANTA” iyo "GOLAHA ABWAANKA IYO GEEDKA SUUGAANTA" Haddaba gabaygan oo noqon doonaa kii mid ka mida Silsiladaas aan kaga soo hadalnay, waxaa la yidhaahdaa "DIGNIIN” bogasho wacan.

 


 


 

1.Waxaan Dooni, Waxaan Diidayiyo,Kaan Ka Digayaaba

2.Sadexdaa Duruufood Midbuu, Gabay Ka Duulaaye

3.Caawana Tixdani Waa Digniin, Soo Durkinayaaye

4.Xaajo Uu Rag Doorkii Galoo, Oynan Weli Daynin

5.Soomaali Doormooday Iyo, Darajo Ay Gaadhay

6.Oo Inoo Daciifnimo Ah Baan, Kuu Dulmarayaaye

7.Dantaa kuuma Oofiyo Qabiil, Dib u dhac mooyaane

8.Waa Waxaa Rasaastiyo Dilkiyo, Keenay Debed-aade

9.Waa Waxaa Mindida Daabka Culus, Laysu Darayaaye

10.Waa Waxa Walaal Kala Dilee, Loo Dayacay Xaase

11.Waa Waxa danyare Iyo miskiin, Loo damqanahayne

12.Waa Waxa Dayuus Nagu Bataan, Loo Digriyahayne

13.Waa Waxa Danaystaha kufrigu, Kuu Deweriyaaye

14.Waa Waxa Qof Daacadi lumee, Deeqsi Kuu Hadhine

15.Waa Waxa Nin Liitiyo Dugaag, Kuu Dugsanayaane

16.Waa Waxa Nin Docuun Eegayaa, Kuu Dirsanayaaye

17.Waa Waxaa Dad nagu Wiirsadaa, Doorkan Saanahaye

18.Ma Intuu Dad Naga Reebayoo,Duunyo Naga Biisay

19.Ayuun Baan Qabiil Laysu Dilo, Daaya Garanwaynay .

20.Suugaantu Waa Dawo Ilaah, Ruux dabiib raba’e

21.Ninkii Guul Ka Doondoonayow,Sheegay dulucdiiye

22.Suldaan Timacaddaa Diidayoo, Mariyay Dawgeede

23.Qabyaaladi Dam weeyaan Ninkay,Dani Kahaysow'e

24.Wakhtigu Waa Doraad Maanta Iyo, Doorka Kii imane

25.Waana Daarul Camal Faysalow, Lagu Dakaynayne

26.Oo Dabin Iblays Noo Dhigaa, Daadsan Laamiga'e

27.Wakhtigaas Is Daba Jooga Een, Cidi Ku Daahayne

28.Aakhirana Waa Daahiroo, Diinta Lagu Qeexye

29.Qofkii Ruux Dulminayee Dhib Wada, Ee Dakano Gaysta

30.Dabka Naarta Soomaaliyeey, Lagu Dul Tuur Kaase

31.Qabyaaladina Waa Cudur Dilaa, Jaahil Door Bido'e

32.Ma Intay Dad naga Reebtayoo ,Duunyo Naga Biisay

33.Ayuun Baan Qabiil Laysu Dilo, Daaya Garanwaynay ?



 

Gabayga:- DIGNIIN

CURIYE:- Cukaashe Maxamed

 

 

Fiiro Gaara.

 

Qofkii doonaya inuu silsiladda,waxaad si toos ugu gudbinaysaa, labada gole ee barta Facebook, Golaha Abwaanka, iyo Golaha Tartanka, Mahadsanidiin dhammaan.