MA FEKERE IYO MANEXE !!!!

0
Thursday February 20, 2014 - 12:06:15 in by Holland Office
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MA FEKERE IYO MANEXE !!!!

    MAANSADAN WAXAA LAGU MATALAYAA MASIIBADII KU HABSATAY JAMHUURIYADDA SOMAALILAND WAKHTIGII KALITALIYIHII SIYAAD BARRE UU ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAANSADAN WAXAA LAGU MATALAYAA MASIIBADII KU HABSATAY JAMHUURIYADDA SOMAALILAND WAKHTIGII KALITALIYIHII SIYAAD BARRE UU ..
MA FEKERE IYO MANEXE !!!!

MAANSADAN WAXAA LAGU MATALAYAA MASIIBADII KU HABSATAY JAMHUURIYADDA SOMAALILAND WAKHTIGII KALITALIYIHII SIYAAD BARRE UU XASUUQA KULA KACAY ISLAMAR AHAANTAANA LABADAN NIN WAXAY UKALA TAAGANYIHIIN XASUUQIHII IYO LA XASUUQIHII WAANA DOOD SUUGAANEED FURAN CIDII ARAGTI KIADHIBANAYSA WAY U FURANTAHAY EE AKHRIS WACAN.

MA FEKERE WARMOOGE IYO MANEXE MUUQAAL DILE
MASIIBADU ADUUNYADA MAGACBAY KU REEBTAA
KUWII MIIGA KULA DHACAY MISHIGAANKA KUGU HORAY
MIINADANA KUU DHIGAY EE MIDIGTA KUGU JARAY
MAGAALOOYINKII GUBEY MAALKIINA KAA DHACAY
MOODKIINA URURSADAY MAAL QABEENKII LAAYEE
MAATADIINA KAA WADHAY MAYDKOODA DAADSHEE
MIYIGIINA WEERARAY MEELNA KUUMA DHAAFINEE
MAHADHOOYINKAA DHIGAY MIDHADHKII KA NABAD GALAY
MAARAHA LA DABAGALAY MILICDAA KU DAADSHEE
MAARE KALENA WAAYOO MAGAN GALAY ITOOBIYA
IYO MEELO DHOWDHOW MAGACII BI IIBAA MAANLAAWE INUU YAHAY
AYAA SOO MALUUGANOO MANAXAANKII MUUQDILE
MAANTANA WUXUU YIDHI WALAALKAY MADOOBOOW
WAXA TAHAY MAGNUUN FALAN MEELNA KUUMA NABAD GELIN
MASKAB BAAN KU SIINEE MIDNIMAAN U BAAHNAHAY MIDIGTAY KAALAY
MA FEKERR WARMOOGOOW MAGACAA HA RAAGEE
MAAMAULBAABA KUUJIRA MAGACIISU WACAN TAHAY
TAWXIIDKA LAGU QORAY MASHAARIICNA KEENOO
MACDANTIINA SOO WADA MAALGELIN SAMEEYOO
IYO MADAXBANAANIBA MADAX BADAN BEDELAY OO
DIMUQRAADIYEYSOO MEEL ROON WAX MARIYEE MUSLINIMO KU NOOLOOW
MAWLAHA ILAAHBAA MAAMUUS KU SIINOO MAQAAMSARE KU GEYNEE
WELIGAA HA MOOGAAN MEEL KALE HA EEGINA
MAANDHOOW MACAANOOW WAA MAANSO FURANEE
MACNEHEEDA FAHANOO MEERIS KALE KU SII DARA MECNO HOODU BADAN YAHAY.

BY: Macallin Jaamac Diiriye Faarax
Email:jdiiriyef@gmail.com