SIILAANYO MA WAX MA TARAA MISE WAA WAX YAR TARE

0
Wednesday November 05, 2014 - 20:32:31 in by Burco Office
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIILAANYO MA WAX MA TARAA MISE WAA WAX YAR TARE

    Ayamahan waxaaan arkaa amase aan aan maqlaa mucaaradka oo madax waynaha qaranka ku eedaynaya dalkii wuu gambiyay iyo dib buu inoo celiyay Qabyaaladii ayuu soo nooleeyay, Bulshada iyo saxaafada ayuu cago juglayn joogto ah ku hayaa iyo wixii la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayamahan waxaaan arkaa amase aan aan maqlaa mucaaradka oo madax waynaha qaranka ku eedaynaya dalkii wuu gambiyay iyo dib buu inoo celiyay Qabyaaladii ayuu soo nooleeyay, Bulshada iyo saxaafada ayuu cago juglayn joogto ah ku hayaa iyo wixii la mid ah

          

Sidoo kale waxaan  arkaa qolyaha muxaafidka ah oo leh ama ugu jawaabaya  madaxwaynuhan oo kale hore umaynaan arage  kuwii horuu inooga hiiliyay ee caada qaatayaasha  ahaa   waxa ay bulshadu ku dooran doontaa shanta sano ee soo socda wax qabadkiisii  shanta sano  ee uu xilka hayay 

 

hadaba  akhriste waxan isku dayayaa inta itaal kaygu yahay bal inaan labadaa fikradoodo  meel  dhexe isugu  keeno  waana ujeedka uu daaran yahay maqaalkan  hal ku dhigiisu yahay  siilaanyo ma wax ma taraa  mise waa wax yar tare

Hadaba hadii aynu ku horayno mida  dawlada iyo wax qabadkeeda  dawaladu labadii sano ee hore  Dawlad ayay ahayd waxaanan la yaabi jiray xawaaraha uu ku soconayo wax qabadyada  wax ku ool ka ah ee ay bulshada iyo  xafiisyada dawlada ka samaynayso  sida  bixintii derajooyinka ciidamada kala duwan ee qaran     bedelidii lacagtii giimbaarta ahayd ee burco  furidii wada hadaladii aaya ka taliska ahaa ee inaga iyo walaalaheena koonfureed  waxaas oo dhan iyo horumar ah  waxaa fuliyay  Axmed siilaanyo iyo dawlada uu gadh wadeenka ka yahay 

hadaba  waxaas oo dhami  waxay soo gabaab  siyeen  horumarkii la samaynayayna soo gabaabiyay  markii ay dawladu xididaysatay  cagaheedana   ku is taagtay  ayaa halkii ay ahayd inay hore uga sii socoto waxa iska dhaadhicin  iska dhaadhicin  u eegaaday wixii horay u qabatay  waxayna  dawalada Axmed lasoo baxday  wajigeedii dhabta ahaa    kaas oo ahaa  in nin waliba   dhiisha  ka buuxsado   iyo in dayntii ololaha layska celiyo  in  nin walba  xilkii loo balan qaaday ee uu sideeda sanadood  sugayay    waxaa xilkii laga qaaday Aabihii la dagaalanka musuq maasuqa iyo wax is dabamarinta  waxaa  xilkii laga qaaday  wasiiradii magaca u yeelay xukuumada siilaanyo  waxana xilka laga qaaday  maxamed xaashi  iyo  wasiir xoog oo  wasiirka caafimaadka ahaa  

waxa  hog ku dhacday  himiladii  shacab ku ka  filayay  xukuumada  Axmed siilaanyo

waxaana  xukuumadii ka bilaabantay wax kala jiidasho  musuq maasuqii oo samada isku shareeray   

waxa la waayay  dhab ahaan  wuxuu shacbigu  ka filayay xukuumada oo aan odhan karo waxaa ugu mudnaa   Shaqo Abuur loo sameeyo dhalinyaradan  tahriibto  gumaaday ee dalka caga cadaanta kaga cararaya   iyo in kor loo qaado   bilicda  magaalooyinka  oo laga basriyo xadhkaha laydhka iyo talafoonada ee qashinkooda dartood aanad magaaldaba kor u eegi karayn  tan iyo  1997 xadhkihii la sudhay magaalooyinka  dushooda  wax cad ceedu ka   googaysay oo meesha ka saartay mooyaane  aan  mid lagu xidho mooyee mid kale laga soo furin  taas oo ay ahayd in xukuumadu wax ka qabato kana mid ahaa balan qaadyadii  ay bulshada u samaysay 

 

hadaba akhrise mar kale is waydiiyoo  siilaanyo ma wax ma taraa mise waa  wax yar tare  

horta waxan leeyahay   wax ma tare  lama arko  lkn   wax yar tare waa la arkaa 

 Axmed siilaanyo iyo dawladiisu meeshii la rabay  reerka kuma furin   lkn  waxbay dhaqaajiyeen  u baahan in halkaa laga sii wado   sida aynu  horaba  u  soo aragnay   dawladii tuur  waxbay  qabatay  tii cigaalna  waxbay soo   kor dhisay tii rayaalana waxbay ku dartay  Axmed na ma tamar yara marka loo eego  kuwii ka horeeyay iyo  waxa  ay qabteen  se aynu eegno  bal kuwa ku haystaa inuu warkoodu  waxa uu noqdo     ama  mucaarid  wax cad bulshada usoo bandhiga  ayuu noqon ama   kuwo  waa markaygii darka iiga soo bax warkoodu ku ururo ayuu noqon bulshada Somaliland  shaadhadh  kala duwan ayaa loosoo  xidhay  siyaaba kala duwana codka  waa lagaga  helaa lkn  waxan rajaynayaa inay waayo arag ku noqdaan  shaatiyadan kala duwan ee siyaasiyiinta   jeeb iyo jago doonka ahi  soo xidhaan   oo ay indho caafimaad qaba ku eegaan kuna  xushaan ninka   iyo xisbiga ay   doonayaan inuu hogaamiyo  

 

Waa Qalinkii  Maxamed Ibraahim A/laahi

Email:  m.ibraahim@live.com 

Tell:00252 63 4025258