Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Ay Ka Gubato Dhaliisha Iyo Eedahay Leedahay

0
Monday February 08, 2021 - 16:34:53 in by salman abdi
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Ay Ka Gubato Dhaliisha Iyo Eedahay Leedahay

    Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Ay Ka Gubato Dhaliisha Iyo Eedahay Leedahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Ay Ka Gubato Dhaliisha Iyo Eedahay Leedahay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in xukuumadda maanta joogtaa leedahay dhaliilo badan oo culus axsaabta mucaaridkana masuuliyadoodu tahay in ay daba galaan oo dhaliishooda baahiyaan balse loo baahan yahay in aanay xukuumaddu dhaliilaha ka guban ee ay wixii loo igmaday ay umadda u qabato. Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo hadal ka jeediyey dhagax dhigga jidka Burco, oodweyne illaa Hargeysa oo shalay la qabtay ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda iyo hadba ciddii talada dalka joogta ay masuuliyadoodu tahay in ay umadda u adeegaan iyada oo loo baahan yahay buu yidhi in ay ogaadaan in aanay waxan ay qabanayaan iyagu iska lahayn sidoo kalena aanay ahayn abaal ay cid u galayaan ee ay tahay wixii loo doortay halka uu sidoo kale Hogaamiye Xirsi hoosta ka xariiqay in ay ka xisbi ahaan wixii waajibkooda ah ka gudanayaan mashaariicda horumarineed ee qaranku u baahan yahay. Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Jidka Oodweyne-Burco ma aha mid bilow ah oo ay xukuumadda hadda joogtaa bilaabayso ee waxa uu ahaa mashruuc hore loo bilaabay oo muddo soo socday. Wasiir Siciid Sulub ayaa xukuumaddii hore ee Rayaale seerfayga iyo bannaynta sammeeyey. Markii aannu annagu joognayna waxaan filayaa in kaliya 23km ay ka hadhsanaayeen carro dhigidda Jidka Oodweyne illaa Burco. Markaa xukuumaddan imika waxaan leeyahay waar abaal aad cid u galaysaan maaha ee waa waajib idin saarnaa in aad qabataan. Imika oo aad afar sano joogtaan ayaad bilawdeene waxa ay ahayd in aad sannadkii koowaad bilowdaan. Shaqada waynu kala leenahay annaguna jeedal baannu idinla daba joognaa. Idinna xilka ayaad haysaan oo maalinba nin baa xilka jooga. Maalinba ninbaa qaranka masuuliyadda u jooga annana waxaanu idinla daba taaganahay jeedalka. Ninka maalintaasi qaranka u joogaa maaha wax uu isagu leeyahaye waxa loo igmaday in uu isagu xilka umadda u qabto oo u adeego. Waxaa uu umadda ka qaadayna ugu adeego oo ku celiyo. Ninka xilka u hayaa waa adeege Bulsho. Ninka mucaaridka ah shaqada u taallaa waa in uu ninkan xilka haya daba galo oo dhaliishiisa oo dhan bannaanka keeno oo jeedal la daba galo. Waa inuu ku dhangadeeyo oo uu yidhaa tan muu qaban, tan wuu ka tagay. Tanuu qalday waar shaqada waynu kala leenahee xejista. Annagu waliba aad idiinkumannaan xejine waxaan arkayaa in marka aannu diin soo qaadno aad gubanaysaan. Hawshan jidku waah awl qaran oo ijtimaaci ah mana doonayo in aan siyaasadeeyee waxaan kaga tagayaa wixii cusub iyo waxqabadka iyo horumarka waa la soo dhaweeyaayoo wax alla waxa dhinacayaga suurtogal ahna waan taageeraynaa. Wixii laga tagona tilmaanteedu waa marka dambe ee la shaqeeyo”. "Waxaan umadda deegaamadan ugu baaqayaa in ay si weyn uga qayb qaataan dhaqaalaha jidadka ku baxaya oo ay xukuumaddan u dhiibaan wixii ay u dhiibi karayaan. Annaga wakhtigayagii wixii ay ballan qaadeen nama soo gaadhine bal imika wixii aad bixin karaysaan bixiya”. Ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.