Hordhac: Atletico Madrid vs Barcelona

0
Wednesday January 28, 2015 - 11:19:18 in by Burco Office
  • Visits: 1679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Atletico Madrid vs Barcelona

    Atletico Madrid ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta Barcelona, iyadoo ka warqabta in kualnkii hore lagu soo garaacay Camp Nou, ciyaar kusoo dhamaatay 1-0. Leonel Messi ayaa dhaliyay goolka qura ee ay Barcelona kaga adkaatay Atletico Madrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Atletico Madrid ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta Barcelona, iyadoo ka warqabta in kualnkii hore lagu soo garaacay Camp Nou, ciyaar kusoo dhamaatay 1-0. Leonel Messi ayaa dhaliyay goolka qura ee ay Barcelona kaga adkaatay Atletico Madrid.

Wiilasha Diego Simeone ayaa doonaya iney u dagalamaan tiigsiga wareega quater finalka koobka boqorka, inkastoo ay fursad fiican heysato Barcelona oo kulankii hore guul weyn soo gaartay.

Si kastaba kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ayaa waji kale caawa laga yaabaa iney lasoo baxdo.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Atletico Madrid vs Barcelona

Tartanka: Copa Del Rey

Wareega: 8-da

Lugta Labaad

Garoonka: Vincent Calderon

Saacadda: 11:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika).

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Luis Suarez ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo madama uu keydka galay kulankii Elche ee todobaadkaan, wuxuuna Messi iyo Neymar la wadaagi doonaa weerarka. sidoo kale Bosquets, Iniest aiyo Alves ayaa iyaguna rajeynaya iney kusoo bilowdaan, halka goolhaye ter Stegen isna uu rajeynayo.

Diego Godin ayaa ka maqnaan doona Atletico Madrid madama uu jaale qaatay lugtii hore, waxaana Miranda la ciyaari doona Jose Gimenez. Mandzukic ayaa rajeynaya inuu weerarka kula soo bilowdo Griezmann, halka Torres kursiga uu noqon doono.

Barcelona todobaadkaan waxey horyaalka La Liga ku xasuuqday Elche oo ay marti ugu aheyd gurigooda (6-0) ayeyna soo laqsiisay, iyadoo Messi iyo Neymar ay min laba gool iyo min laba caawinaad heleen.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa iyana (3-0) ku dirtay kooxda Rayo Vallecano oo soo booqatay Calderon, Griezmann ayaana noqday wiilka Atletico madama uu laba ka mid ah dhaliyay goolashaas.

MSN ayaa la filayaa iney caawa si wadajir ah ugu soo bilowdaan kulanaan madama ay kala hareen kulankii Elche.

Mathieu ayaa kusoo laabtay tababarka buuxa ee Barcelona, wuxuuna diyaar u yahay inuu kasoo muuqdo kulanka Atletico Madrid, sidoo kalana Bartra iyo Montoya ayaa kursiga rajeynaya madama todobadkan ay ciyaareen Alves iyo Mathieu ayaana soo laaban kara.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

ATLETICO:

Oblak; Juanfran, Gimenez, Miranda, Siqueira; Gabi, Koke, Suarez; Griezmann, Mandzukic, Turan

BARCELONA:

Ter Stegen; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Iniesta, Busquets, Rakitic; Neymar, Suarez, Messi


conatct@afkashacabka.com